Madaxweyne Museveni oo Twitter soo dhigay qoraal ka careysiiyey reer Somaliland

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa bartiisa X (twitter) soo dhigay qoraal ka careysiiyey Somaliland, oo uu ku diiday fikradda gooni u goosadka ee Hargeysa, isaga oo dalbaday wada-hadallo dhex-maray Somaliland iyo dowladda federaalka.

Museveni ayaa qoraalkan soo daabacy kadib markii uu xarunta madaxtooyada kula kulmay wakiilka Somaliland ee Uganda Jaamac Muese Jaamac.

“Dr. Jaamac Muuse Jaamac, ergeyga gaarka ah ee Somaliland ayaa iigu yeeray xarunta madaxtooyada ee Entebbe,” ayuu Museveni ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X. “Ma taageersanin in Somaliland ka go’do Soomaaliya, sababtoo ah xeelad ahaan, waa mid khalad ah.”

“Dadku waxay wajahayaan caqabado isku mid ah iyadoon loo eegayn jinsiyadda iyo diinta, sidaas darteed, waa inay qaataan siyaasadda danta, taas oo ka muhiimsan siyaasadda aqoonsiga,” ayuu yiri Museveni.

Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu dhex-dhexaadiyo Hargeysa iyo Muqdisho, ayna u baahan yihiin inay wada shaqeeyaan.

“Waxaan ogolahay in aan qaato doorka dhex-dhexaadinta nabadda ee labada dhinac, suuqa gudaha ee waddan kaliya kuma filna, sidaa darteed, Somaliland iyo Soomaaliya waxa looga baahan yahay in ay midoobaan, oo ay wadajir u ganacsadaan, oo ay la ganacsadaan dalalka kale ee Afrika,” ayuu yiri.

Qoraalka Museveni ayaa waxaa ka fal-celiyey dad badan oo reer Somaliland ah oo madaxweynaha Uganda u qoray jawaabo caro leh oo ay kaga xun yihiin.

Museveni ayaa inta badan ah siyaasi aan la gaban hadallada, wuxuuna hadda kahor sidoo kale hadal u muuqday bahdil ku hor yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo u sheegay inaanu isku haleyn ciidan shisheeye ee Soomaaliya ay dhisato ciidankeeda, si ay u sugaan amniga dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Exit mobile version