Mucaaridka DF oo farriin u direy Somaliland kadib natiijada doorashada

Doorashada Somaliland ka dhacday toddobaadkii hore ayaa lagu kala baxay kadib markii uu maanta komishanka doorashooyinka ku dhawaaqay natiijada KMG ah ee doorashada.

Doorashada madaxtinimada Somaliland ayaa waxaa ku guuleystay musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro, iyadoo Muuse Biixi looga adkaaday codad ku dhow 200 kun.

Qaar kamid ah mucaaridka Soomaaliya ayaa qoraal ay gooni-gooni usoo saareen ugu hambalyeeyay musharaxa la doortay, iyagoo farriin u direy shacabka Somaliland.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo hambalyeeyay Cirro ayaa wuxuu guushiisa ku tilmaamay mid muujineysa kalsoonida iyo rajada ay shacabka Somaliland ku qabaan biseylkiisa, hoggaamintiisa, iyo aragtidiisa siyaasadeed.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo shacabka Somaliland ay cod aqlabiyad ah ugu doorteen in uu hoggaamiyo shanta sano ee soo socota. Waxaan sidoo kale u hambalyeynayaa xisbiyada Waddani, Kaah, iyo Kulmiye oo ku guuleystay tartanka Xisbiyada Somaliland,” ayuu yiri Kheyre.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa Guddiga Doorashooyinka oo si hufan u maareeyay doorashadan, iyo shacabka Somaliland oo mar kale soo bandhigay qaangaarnimadooda dimoqraadiyadeed, iyagoo si xasilloon, oo xor iyo xalaal ah u doortay hoggaankooda siyaasadeed.”

Kheyre ayaa wuxuu u rajeeyay madaxweyne Cirro inuu Somaliland ku hoggaamiyo jidka nabadda, horumarka, iyo dimoqraadiyadda, kaalin hoggaamineedna ka qaato adkeynta walaalnimada, midnimada, iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hambalyeeyay Cirro, isagoo Muuse Biixi ku bogaadiyay sida uu u aqbalay natiijada doorashada looga guuleystay.

“Waxaan hambalyo u dirayaa madaxweynaha la doortay ee maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamad Cabdullaahi Cigaal (Ciro). Shacabka iyo maamulka Somaliland waxay muujiyeen qaan gaarnimo siyaasadeed oo ku dayasho mudan. Waxaa kaloo ammaaan mudan Madaxweyne Biixi oo maamulkiisu qabtay doorashooyinkii Baarlamaanka, Xisbiyada iyo Madaxtinimada aqbalayna natiijada looga guulaystay.”

Waxa uu intaas kusii daray “Doorashadan casharka ugu wayn ee laga baran karo wuxuu yahay in nacaybka iyo aflagaaddada shacabka Soomaaliyeed, gacalaysiga iyo isku dhiibka ajnabiga iyo mansab ku raadinta daadinta dhiiga Soomaaliyeed uu aduun iyo aakhiro beelba leeyahay. Soomaali isma necba, waana gacal iyo xigaal, kuwa kala geynaya, dano siyaasadeedna isku nacsiinaya way dhacayaan dhan walba oo ay joogaan.”

Xasan Sheekh iyo Xamza maxay ka yiraahdeen guusha Cabdiraxmaan Cirro?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo si dhow ula socday doorashada Somalilan ayaa hambalyo u diray madaxweynaha la doortay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo ku xigeenkiisa Amb. Maxamed Aw-Cali Cabdi.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey xisbiyada kala ah; Waddani, Kaah iyo Kulmiye natiijada ay ka gaareen doorashada, waxa uuna bogaadiyey bisaylka iyo fahanka dowladnimada ee ay muujiyeen bulshada Somaliland.

Mudane Xasan ayaa u xaqiijiyey madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dhammaystirka wada-xaajoodyada dib u heshiisiinta labo geesoodka ah, taas oo muhiim u ah horumarka iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxa wararka kala soo xiriir 0907522038adminEdit Profile

Madaxweynaha ayaa u rajeeyey Madaxweynaha, Madaxweyne Kuxigeenka iyo Xisbiyada la doortay in Alle uu u fududeeyo qorsheyaasha horumarinta nolasha iyo kobcinta dhaqaalaha ee bulshada deegaannada Soomaaliland ay u doorteen.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha la doortay ee Maamulka Somaliland oo ku guulaystay doorashadii Madaxtinimada.

“Waxaan u hambalyeynaa Walaalkay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo loo doortay Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Waxaan u rajeynayaa Madaxweynaha inuu Alle u fududeeyo gudashada waajibaadka culus ee loo doortay. ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in madaxweynaha cusub laga rajaynayo inuu dardargeliyo himillada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan midnimada iyo wadajirka dalkeenna iyo dib usoo celinta wada hadaladii lagu mideynayey dowladnimada Soomaaliyeed.

Guddiga doorashooyinka oo kulamo ka wada magaalada Muqdisho + Ujeedka

Guddiga KMG ah ee labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururrada iyo xisbiyadda iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha ayaa kulan wadatashi ah magaaladda Muqdisho kula qaatay ururrada bulshada rayidka.

Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga Xil. Mahdi Guuleed oo ay wehliyaan ku-xigeenkiisa iyo xoghayaha guddiga ayaa waxaa wakiilada matalayay ururada bulshada rayidka looga talo-geliyay akhrinta labaad ee hindisaha xeerka doorashooyinka qaranka oo uu guddiga gacanta ku hayo dhawaana la filayo in la horgeeyo baarlamaanka.

Xubnaha ka socday bulshada rayidka qeybaheeda kala duwan ayaa talooyinkooda ku biiriyay xeerkan uu ka shaqeynayo guddiga.

Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Mahdi Guuleed ayaa dhankiisa sheegay in ujeedkoodu yahay si talooyinka iyo aragtida bulshada rayidka loogu daro xeerkan muhiimka u ah doorashooyinka qof iyo codka ah ee la rajeynayo in ay dalka ka qabsoomaan.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan meel-mariyay hindise sharciyeed ku saabsan dhismaha guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha, taas oo ujeedkeedu yahay in la hirgeliyo nidaamka doorashada qof iyo cod.

Tallaabada uu qaaday baarlamaanka ayaa si weyn loogu dhalleeceeyay, waxayna madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaridka ku tilmaameen mid dhabaha loogu xaarayo “muddo kororsi sharci darro ah.

Waa kumaa Cabdiraxmaan Cirro, madaxwaynaha la doortay ee Somaliland?

Guddiga doorashooyinka Somaliland oo saakay shir jar’aaid ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa shaaciyay in musharraxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu ku guulaystay marka la eego natiijada ku meel-gaarka ah.

Arrintaas ayaa ka dhigan in musharrax Cirro uu ka guulaystay madaxweynaha xilka haya ee Muuse Biixi oo u sharraxnaa xisbiga Kulmiye iyo Faysal Cali Waraabe oo isna u sharraxnaa xisbiga UCID.

Dhanka dhibcana ay kala haleen markaan eegno sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka Somaliland musharaxa madaxweyne ee Xisbiga Waddani waxaa uu ku guulaystay codadka ugu badan oo gaaraya boqolkiiba 63.92 cod.

Xisbiga Kulmiya musharraxna uu u ahaa madaxweynaha xilka haya Muuse Biixi Cabdi ayaa helay codad gaaraya 34.81 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

Faysal Cali Waraabe oo musharrax u ahaa Xisbiga Ucid ayaa isna ka helay codadkii la dhiibtay 0.74 boqolkiiba.

Doorashadan ayaa waxay ahayd mid si wayn loogu tartamay, islamarkana waxyaabo badan kaga duwanayd doorashooyinkii ka horreeyay.

Doorashadan ayaa marar badan dib loo dhigay waxaana taasi ka dhshay dibaxyo iyo is qabqabsi badan, balse ugu dambeyntii waxa ay qabsoontay 13 bishan November.

Madaxwaynaha imika xilka haya Muuse Biixi Cabdi ayaa muddo xileedkiisa oo ku ekaa sanadkii 2022 waxaa uu ku darsaday labo sano.

Waa kuma Cabdiraxmaan Cirro?

Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi gudooomiyaha xisbiga Waddani islamarkana imika loo doortay madaxwaynenimada Somaliland wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa sanadkii 1955.

Markii waxbarashadiisii hoose iyo dhexe uu ku soo dhamaystay Burco, Berbera iyo Hargeysa wuxuu u wareegay dugsiga sare ee caanka ah ee magaalada sheekh oo uu dhamaystay 1977.

Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi mudadii u dhaxaysay 1978 ilaa 1981 wuxuu ka soo shaqeeyay hay’ad la oran jiray horumarinta danwadaagaha ee muqdisho.

Sanadkii 1981 ilaa 1988 wuxuu ahaa dibloomaasi xaruntii wasaaradda arimaha dibedda ee Soomaaliya , gaar ahaan waaxda iskaashiga dhaqaalaha . Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi bishii May 1988 ilaa iyo 1996 wuxuu ahaa ku-xigeenka danjiraha iyo sii hayaha safaaradii somaliya ee dalka Ruusha ee Moosko.

Wuxuu markaa ka dib u guuray Cabdiraxmaan Cirro dalka Finlad oo uu joogay ilaa iyo 1999 oo uu ku soo labtay Somaliland.

Sannadii 2000 Cabdiraxman Cirro wuxuu ka mid noqday Aasaasayaashii xisbiga ah ee UCID oo uu ku xigeenka xoghayaha guud ka soo noqday.

Doorashadii baarlamaanka Somaliland ee September 2005 ayaa uu Cabdiraxmaan Cirro ka mid noqday xubnihii laga soo doortay gobolka Saaxil ee Berbera . Kadibna waxaa baarllamaanku u doorteen Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi gudoomiyaha baarlamaanka oo uu hayay 12 sano ilaa 2-dii August 2017 oo uu iska casilay.

Sanadii 2011 Cabdiraxman Cirro wuxuu aasaasay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani kadib markii ay isku dhaceen oo maxkamad isla galeen gudoomiyaha xisbiga UCID.

Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi wuxuu ku hadlaa luqadaha English, Carabi, Russian iyo Finish. Wuxuu ku haystaa shahaadada masterka ee MBA maamulka ee kulliyadii SIDAM iyo diplomaasiyadda xallinta khilaafaadka ee jaamicadda Hargeysa.

Fahad oo shaaciyay 5 cashir oo ku jira natiijada kasoo baxday doorashada Somaliland

 Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugidda iyo sidroonka qaranka, haddana ah siyaasi dibad joog ah ayaa war xasaasi ay kasoo saaray natiijada kasoo baxday doorashada Somaliland oo uu ku guuleystay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), sida uu shaaciyay guddiga doorashada maamulkaasi.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in doorashada ka dhacday Somaliland ay tahay mid taariikhi ah oo laga baran karo cashir ku aadan sida ay shacabka gobollada waqooyi usoo doorteen hoggaankooda.

Sidoo kale wuxuu soo saaray 5 qodob oo uu ku cabiray qaan gaarnimada ay Somaliland ka gaartay doorashada iyo natiijada soo baxday, sida ay shacab iyo maamulba ugu qanceen.

𝐍𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐚𝐫𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐜𝐚𝐬𝐡𝐚𝐫𝐫𝐨 𝐬𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝;

1. Siyaasadda han iyo hoggaan bey ku bulaashaa, saadaal wacan iyo sabir baana yoolkeeda looga gungaaraa. Tusaale waxaa u ah Mudane Cabdiraxman Cirro.

2. Xisbiyada soo baxay waxay marag u yihiin in siyaasaddii Somaliland uu jiil cusub dhaxlayo, odayaashii hore iyo kuwii dhexe labadaba, waxaa ugu dambeeya Madaxweyne Cirro.

3. Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Alle ha u naxariistee, waa Ustaadka siyaasada Somaliland, waayo jiilka cusub ee dhaxlay siyaasadda waa ardaydii kasoo aflaxday dugsigii siyaasadda Siilaanyo.

4. Mudane Cirro guushiisa waxay ku qurxanayd inuu Siilaayo dhaxlo. Horumar iyo hiigsi sare ayuu gaarsiin lahaa Somaliland. Nasiib darro, wuxuu dhaxlay Muuse Biixi oo uga tagaya masas iyo musiibooyin in la saxaa ay Cirro ka cuni doonto kala bar wax ka badan muddo xileedkiisa.

5. Mudane Cirro, hab xukunkiisa kama duwanaan doono hab xukunkii Madaxweyne Daahir Riyaale. Haddii Riyaale isticmaalay tabihii sirdoonka, Cirro wuxuu isticmaali doonaa ilbaxnimo diblomaasiyadeed.

ELON MUSK oo qaaday tallaabo cajiib ah oo la xiriirta xiisadda Mareykanka iyo Iran

 Elon Musk, bilyaneerka sida aadka ah ugu dhow madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, ayaa la kulmay safiirka Iran u fadhiya Qaramada Midoobay si uu u qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Tehran iyo Washington, waxaa sidaas Khamiistii weriyey wargeyska The New York Times.

Wargeyska ayaa ka soo xigtay ilo-wareedyo aan la magacaabin oo Iiraaniyiin ah in ay ku qeexeen kulanka dhexmaray ninka ugu taajisan adduunka iyo danjire Amir Saciid Iravani “mid wanaagsan.”

Labada nin waxay in ka badan hal saac ku kulmeen goob qarsoodi ah Isniintii, ayuu yiri wargeyska.

Kooxda kala-guurka ee Trump iyo ergada Iran ee Qaramada Midoobay midna si degdeg ah uma xaqiijin kulanka, iyadoo howlgalka Iran ee QM uu sheegay in aysan wax faallo ah ka bixineyn.

Kulanka, haddii la xaqiijiyo, wuxuu bixin karaa tilmaam horudhac oo ah in Trump ay dhab ka tahay diblomaasiyadda Iran, oo uusan dooraneyn habka dagaalka ahaa ee ay doorbidayaan xubno badan oo ka tirsan xisbigiisa Jamhuuriga iyo Israa’iil.

Waxay sidoo kale muujin doontaa mar kale saameynta aan caadiga ahayn ee Musk, milkiilaha Tesla iyo X, oo si joogta ah ugu dhow dhinaca Trump, ayada oo lagu soo waramayo inuu xitaa kala qeyb-galayey wada sheekeysiyada taleefoon ee hoggaamiyeyaasha adduunka.

Trump ayaa muddo xileedkiisii koowaad ee xafiiska waxa uu jeex-jeexay heshiis ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka Iran oo uu ka shaqeeyey madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Barack Obama, taa beddelkeeda waxa uu doortay siyaasad “cadaadiska ugu sarreeya”ah oo ay ka mid tahay in uu ka shaqeeyo in uu ku qasbo waddamada kale in aysan iibsan saliidda Iran.

Balse Trump waxa uu isu muujiyey inuu yahay heshiis sameeye weyn, waxaana ololihiisii ugu dambeeyey uu ka dhawaajiyey inuu u furfuran yahay diblamaasiyadda, inkasta oo ay jirto taageeradiisa xooggan ee ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, kaas oo horey u amray weerar ka dhan ah Iran.

Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian, oo loo arko inuu yahay qunyar socod ka tirsan dowlad wadaaddo ah, ayaa Khamiistii u sheegay madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta Nukliyeerka ee booqanaya Iran, in Tehran ay doonayso inay meesha ka saarto shakiga ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka ee “nabadda ah”.

Safiirka Iran ayaa sidoo kale ku booriyay Musk intii uu socday kulankooda inuu raadiyo in uu ganacsi ka sameeyo Tehran, ayada oo laga reebayo cunaqabateynta Mareykanka, ayuu yiri wargeyska The Times, isagoo soo xiganaya sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran.

Trump ayaa Musk iyo musharaxii hore ee madaxweynaha Mareykanka ee Jamhuuriga Vivek Ramaswamy u magacaabay in ay hoggaamiyaan wax cusub oo lagu soo daray dowladda oo lagu magacaabo “Department of Government Efficiency” ama “Waaxda Wax-ku-oolnimada Dowladda,” oo la doonayo inay wax ka qabato shaqo xumada hay’adaha dowladda.

Hindisaha cusub ayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan dano is-diidan oo arrintan ka dhallan kara, sababo la xiriira is-dhexgalka ballaaran ee ganacsiyada Musk iyo dawladda.

Cinwaanka Waaxdan cusub ayaa laga abuuray X, oo hore u ahaan jirtay Twitter, halkaasi oo dadka laga codsaday in ay kusoo shaqo codsadaan ayaga oo soo diraya farriin toos ah.

“Waxaan u baahanahay shaqaale caqligoodu sarreeyo oo kacaani ah oo asbuucii shaqeeya 80+ saacadood,” ayaa lagu yiri qoraalka, oo intaas ku daray Elon iyo Vivek ay eegi doonaan codsadayaasha ee ugu sarreeya ee ah 1%.

Al-Shabaab oo jab culus lagu gaarsiiyay Shabeelaha Hoose

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay aagga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah u sameeyay Ururada 175-aad, guutada 17-aad ee Gorgor iyo 146-aad ee guutada 14-ka October, waxayan gaareen deegaanka Jowhar-awdheegle oo ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Al-Shabaab.

Inta uu socday howlgalka ayaaa waxaa lagu dilay xubno iyo saraakiil ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya,.

Howlgalka ayay Geesiyaasha Qarankeenna si gaar ah ugu beegsadeen deegaanka Jowhar-awdheegle iyo tuulooyin ku xeeran, waxayna Ciidanka ku guuleysteen khaarijinta dhagar-qabayaal Khawaarijta katirsan oo si dhuumaaleysi ah baad uga qaadan jiray Shacabka iyo gaadiidka isticmaala inta udhaxeysa degmada Awdheegle iyo deegaanka Janaale” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale taliyaha guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Nuur Maxamed Gaabow (Nur Farey) ayaa xaqiijiyay in howlgalka uu si guul ah ku soo dhammaaday, isla markaana shacabka laga horleexiyay Al-Shabaab.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Itoobiya oo war cusub soo saartay ka dib go’aankii wasiirka difaaca Soomaaliya

Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in dadaalkeeda lagu wiiqayo al-Shabaab ay u sii wadi doonto si kasta oo suurtagal ah si loo hubiyo in kooxdu aysan khatar ku ahayn amniga qaranka iyo in “guulaha la gaaray ilaa hadda aan laga soo laaban.”

Warbixin kooban oo toddobaadle ah ayaa danjire Nebiat Getachew, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, wuxuu kaga hadlay doorka muhiimka ah ee Itoobiya ee dhimista khatarta al-Shabaab ee gobolka. 

“Al-Shabaab waxay weli walaac ku yihiin amniga qarankeena, dadaallada looga hortagayana waa ay sii socon doonaan xaalad walba, si looga hortago inay mar kale khatar noqdaan ama ay dib usoo laba kacleeyaan,” ayuu yiri afhayeenka.

Nebiat waxa kale oo uu xusay in maadaama ay Itoobiya iyo Soomaaliya yihiin deris “aan kala maarmin”, ay Itoobiya sii wadi doonto fulinta aragtideeda istiraatiijiyadeed si ay u “xoojiso is-dhexgalka gobolka ee mustaqbalka fog”.

Hadalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa daba socda war uu Sabtidii hore soo saaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, kaasi oo shaaciyey in Itoobiya aysan ka qeyb qaadan doonin howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee soo socda, ee la qorsheeyay inuu bilowdo Janaayo 2025.

Hadallo laga sii daayey Telefishanka dawladda, ayuu wasiir Cabdulqaadir ku dooday in heshiiskii dhawaan ay Itoobiya la gashay Somaliland uu wax u dhimayo “madax-banaanida iyo midnimada qaranka Soomaaliya”.

Xildhibaannada labada Gole oo ansixiyay dhismaha gudigga doorashooyinka

Xildhibaannada labada Gole ee baarlamaanka Federalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa meel-mariyay xeerka dhismaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo sohdimaha.

Sida uu ku dhawaaqay natiijada guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe waxaa xeerkan ogolaaday dhammaan xildhibaannadii iyo senatorada xaadiray kulanka oo gaaraya illaa 173 mudane, mana jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay.

“Aan is dhageysano natiijada ayaan ku dhawaaweynaa kooramka wuxuu ahaa 173 Mudane, cid ka aamustay ma jirto, cid diidayna ma jirto dhammaan waxay ku codeeyeen wada ogol, sidaas daraadeed waa ansax xeerka dhismaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyox xuduudaha” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Intaas kadib xildhibaannada ayaa guda galay akhrinta 2aad ee xeerka ururada/xisbiyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee doorashada dadweynaha ka qaybgalaya, si loo helo xeer qeexaya oo baarlamaanku u codeeyay.

Kulamada Baarlamaanka oo uu horay u dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dardar ku socdo, waxaana qorshaha ugu wayn uu yahay hirgelinta doorashada ee qof codka ah ee ay go’aamiyeen xubnaha golaha wadatashiga qaranka.

Qorshahan ayaa dhaliyay xiisad xoogan, kadib markii ay ka biyo diideen maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladda dhexe.

NISA oo Muqdisho ku qabatay xubno ka tirsan Al-Shabaab + Sawirro

Ciidamada Nabad-sugidda Soomaaliya oo maanta howlgal ka sameeyay magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay laba xubnood oo ka tirsan kooxd Al-Shabaab, sida lagu shaacitat warsaxaafadeed kasoo baxay hay’adda/

Laba xubnood oo sawirradooda lasoo bandhigay ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Kooshin Maxamuud Axmed iyo Keyse Faarax Xasan(Axmed yare)sida lagu sheegay warka kasoo baxay NISA.

Kooshin ayaa kooxda u qaabilsanaa isbitaalada iyo bukaanadooda la keeno magaalada Muqdisho, halka Kayse lagu eedeeyay inuu dhaqtar u shaqeynayay Al-Shabaab, uuna qaabilsanaa n daaweynta bukaanadooda jooga degmada Jilib sidoo kale waxaa NISA ay sheegtay inuu Adeer u yahay horjoogaha khawaarijta ee arrimaha Siyaasadda Xuseen Fiidow.

“Haya’adda NISA waxa ka go’an ciribtirka cadowga khawaarijta ah ee beegsanaya dadka Shacabka soomaaliyeed iyo cid walba oo kaalin ku leh la shaqayntooda” ayaa lagu yiri qoraalka.

NISA ayaa sidaan oo kale todobaadkii hore gacanta ugu soo dhigtay Cali Hilowle Ibraahim iyo Axmed Samatar Cali oo loo haysto inay saddex nin oo ganacsato ahaa dhowaan ay ku dileen degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir.

Horay ayaa sidaan oo kale ayaa gacanta loogu soo dhigay eedeysanayaal loo haysto inay dileen ganacsato xirtay Kaamirooyinka CCTV oo ay ku amartay dowladda Soomaaliya.

Exit mobile version