Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo ku dhawaaqay qodobka 99-aad ee Xeerka UN-ta

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo ku dhawaaqay qodobka 99-aad ee Xeerka UN-ta

Waa markii ugu horeysay taariikhda oo Qaramada Midoobay looga dhawaaqo xeerkan 99, go’aankan Xoghayaha guud ayaa kusoo beegmay iyadoo golaha amaanka uusan weli meel marin qaraar xabad joojin ah oo dhexmara Israel, Xamaas iyo xulafadooda.

Iyadoo loo tixgeliyo hay’adda ugu awoodda badan Qaramada Midoobay, 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa u xilsaaran ilaalinta nabadda iyo ammaanka adduunka.

Warqadda uu u diray madaxweynaha golaha Amaanka, Guterres waxa uu ku baaqay mas’uuliyaddan, isaga oo sheegay in uu rumaysan yahay in dagaalka Israa’iil iyo dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, “ay uga sii dari karaan ammaanka adduunka oo dhan”.

Guterres – ayaa ku baaqayay “xabad joojin bini’aadanimo oo degdeg ah” tan iyo 18kii Oktoobar. Wuxuuna si adag u cambaareeyey xasuuqa shacabka iyo burburinta goobaha rayidka ee Gaza.

Dowlada Imaaraadka oo hada xubin ka ah Golaha Amaanka ayaa sheegtay inay diyaarisay Mooshin cusub kadib qoraalka kasoo baxay Guterres.

Haddii goluhu uu doorto in uu ku dhaqmo talada Guterres oo uu qaato qaraar xabbad joojin ah, waxa uu leeyahay awoodo dheeraad ah oo uu ku hubinayo in qaraarka la hirgeliyay, oo ay ku jirto awoodda lagu soo rogo cunaqabataynta ama oggolaanshaha in la diro ciidan caalami ah.

Laakiin shanta xubnood ee joogtada ah ee golaha – Shiinaha, Ruushka, Mareykanka, UK iyo Faransiiska – ayaa haysta awoodda diidmada qayaxan.

Maraykanka ayaa u adeegsaday diidmada qayaxan 18-kii Oktoobar isaga oo ka soo horjeeda qaraar cambaarayn lahaa weerarka Xamaas ee Israa’iil, isla markaana ku baaqayey in la joojiyo dagaalka si loogu oggolaado Gaza gargaarka bini’aadannimo. 12ka xubnood ee kale ayaa u codeeyay, halka Ruushka iyo UK ay ka aamuseen.

Laamaha Amniga Puntland oo gacanta ku soo dhigay ajaanib ka tirsan Khaawarijta Daacish

Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidanka dowlad gobaleedka Puntland ay gacanta ku soo dhigeen afar dhagar qabe oo ka tirsan Khawaarijta Daacish, kuwaas oo u wada dhashay dalka Marooko.

Afhayeenka ayaa sheegay Hawgal ay ciidanka dowlad gobaleedka Puntland ka sameeyeen Buuraha Cali Miskaad November 18, 2023-ka ay gacanta ku soo dhigeen ajaaniib u dhalatay dalka Marooko, kuwaas oo ka tirsan Khawaarijta Daacish

“Ciidamada Amaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay afar dhagar-qabe oo ka tirsan khawaarijta Daacish oo u dhashay wadanka Marooko,” sida uu yiri Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sadiiq Adan Cali (Doodishe).

Sidoo kale Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sadiiq Adan Cali (Doodishe) ayaa sheegay in Hay’adaha ammaanka ay wadaan baaris, isaga oo xusay in marka ay dhammaato baarista ay shacabka Soomaaliyeed la wadaagi doonaan.

Xamaas oo sheegtay inuu heer gebo-gebo ah marayo heshiiska siideynta Maxaabiista

Hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in gebo-gebo uu marayo heshiis lagu sii deynayo maxaabiista.

Qatar ayaa horey u sheegtay in ay hareen arrimo farsamo. Sidoo kale Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in heshiiska heer gebo-gebo marayo.

Illaa iyo hada macada qodobada heshiiskan iyo inay ku jirto xabad-joojin maalmo ah.

Sharuudaha Xamaas ay horey ugu xirtay siideynta dadka ay heystaan ayaa ahayd xabad-joojin iyo siideynta shacabka Falastiin ee u xiran Israel.

Xamaas ayaa sidoo kale gacanta ku heysa tiro askar Israa’iiliyiin ah oo ay qafaasheen 7dii Oktoober.

Israel ayaa sheegtay in dhankooda laga afduubay 237 qof oo ah shacab iyo askar.

Xukuumada Israel ayaa maalmihii lasoo dhaafay cadaadis kala kulmaysey ehelada dadka ku jira gacanta Xamaas, qoysaskaasi oo ku eedeeyey xukuumada Netanyahu inaysan xooga saarin soo-siideynta dadkaasi.

Gaza: Duqeynta Israel oo sii xoogeysatay xili dagaalo ka socdaan waqooyiga

Xoogaga Falastiiniyiinta ee ka dagaalamaya Gaza ayaa sheegay in ay khasaaro u geysteen ciidamada dhulka iyo Taangiyada Israel.

Dagaalada fool ka foolka ah ayaa ka socda waqooyiga Gaza, waxaana xalay dhulkaasi ka dhacay duqeynmo xoogleh.

Israel ayaa laba jibaartay duqeynta cirka ay ku wado waqooyiga Gaza & xeryaha Qaxootiga oo ay sadex kamid ah shalay duqeysay.

Waxaana gebi ahaan go’an khadka Internetka oo ay jartay Israel.

Tiradda dhimashada shacabka Gaza ayaa mareysa in ka badan 9.770 qof oo ay ku jiraan 4.800 caruur ah.

Dallada Mucaaradka Puntland Oo Madaxweyne Deni Ku Eedeeyey Hurinta Colaad Cusub

Dallada Mucaaradka Puntland ayaa maanta war saxaafadeed kasoo saaray hadalkii uu shalay madaxweynaha Puntland Siciid Deni ka jeediyey xerada ciidamada daraawiishta Puntland ee 54aad, iyagoo ku eedeeyeen inuu iclaamiyay colaad cusub.

Warsaxaafadeedka dallada mucaaradka ayaa loogu baaqay ciidamada Puntland iyo taliyayaashooda in ay ilaaliyaan sharciga ,waxayna sheegeen in aanay Puntland u horseedin qalalalase iyo iyo burbur.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay ka qaybgalayey xilwareejinta taliyaha cusub ee uu dhowaan u magacaabay ciidamada daraawiishta Puntland ayaa sheegay 70% inay dowlad fulisay nidaamka doorashooyinka qof iyo cod, halka inta hartay 30% looga baahan inay dhamaystiraan ciidamada qalabka sida.

Tallaabadan ayey wallaac xoog leh ka muujiyeen musharaxiinta iyo siyaasiyiinta diidan in doorasho dadweyne lagu qaban karo xiliga u haray xukuumada talada haysa.

Muuqaalkii laga soo duubay Israeliyiinta Xamaas qafaalatay oo cadaadis xoogan saaray Netanyahu

Waxaa sii kordheysa cadaadiska saaran Raysalwasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu inuu xilka isaga dego kadib muuqaal ay shalay gelinkii danbe siideysay kooxda Xamaas, muuqaalkaasi oo laga soo duubay sadex haween ah oo la hadlay dowladooda Israel inay ka shaqeyso sidii lagu siideyn lahaa.

Raysal Wasaare Xamse Oo Daahfuray Shir Looga Hadlayo Doorka Culimada Ee Dabargoynta Fikradaha Argagixisada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo maanta furay shir looga hadlayo Doorka Culimadu ay ku leeyihiin taaba-gelinta nabadda iyo dib-u-heshisiinta, ayaa xusay in culimada Soomaaliyeed ay laf dhabar u yihiin baraarujinta bulshada iyo ciribtirka afkaarta qalafsan ee Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyey sida ay muhiim u tahay in aqoon yahannada Soomaaliyeed ay hormuud uga noqdaan difaaca dalka iyo dabar goynta fikradaha argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay in dhibaatooyinka kala duwan ee Soomaaliya dib u dhigay lagaga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada, indheer-garadka iyo dowladda, wuxuuna si gaar ah ugu baaqay culimadu in ay doorkooda ka qaataan dib-u-heshiisiinta, xasillinta, dowlad-dhiska iyo dhammeystirka dastuurka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in argagixisada laga wiiqay dhowr jiho oo ay kamid yihiin dhinacyada ciidanka, dhaqaalaha iyo fikir,ba taas oo horseedday in deegaanno iyo dhul ballaaran oo ay ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed maanta ay xor yihiin, inta harsanna weli lagu sii raad-joogo.

Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta Cilmi Baarista iyo Daraasaadka ee Maqaasid, ayaa waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yusuf Axmed, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, culimo, Aqoonyahanka Soomaaliyeed iyo wufuud ka kala socotay dalalka Carabta iyo dowladdaha dariska ah.

Dagaalo xoogan oo ka socda gudaha Gaza

Qeybo kamid ah Waqooyiga iyo Bariga Gaza ayaa waxaa ka socda dagaalo fool ka fool ah oo dhexmaray ciidamada Xamaas iyo kuwa Israa’iil.

Dagaalada ugu xoogan ayaa ka dhacay Beytul Xanun, waqooyiga Gaza ayey gudaha u galeen cutubyo ka tirsan ciidamada iyo Taangiyada dagaalka oo isku dayaya inay labo u kala jaraan Marinka Gaza.

Ciidamada Israel ayaa xooga saaraya inay la wareegaan qeybo kamid ah waqooyiga iyo bariga Gaza si ay ugu fududaato inay labo qeybood ugu kala jaraan Waqooyiga iyo Koonfurta Gaza.

Xog badan lagama hayo khasaaraha dagaaladan oo aysan shaacin labada dhinac. War kooban oo kasoo baxay Xamaas ayaa lagu sheegay inay iska difaaceen duulaanka dhulka ee Israel.

Balse waxaa sii kordheysa tirada Shacabka ee ku dhintay duqeynta Israel ay ka wado guud ahaan deegaanada Gaza, tiradaasi oo sare u dhaaftay 8500 qof, halka dhaawaca uu sii marayo in ka badan 20.000 qof.

Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyey Miisaaniyadda 2024

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo tobaadkan looga hadlay Amniga, Ansixinta Miisaaniyadda sanadka 2024, Ansixinta Xeerka Kheyraadka Macdanta iyo qodobo kale.

Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ayaa dood iyo falanqeyn dheer ka dib ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2024, taas oo gaaraysa $387,550,700 (Saddex boqol sideetan iyo todoba milyan shan boqol iyo konton kun) taas oo sannadkaa la siyaadiyey 3%, sida lagu sheegay war ka soo abxay Wasaaradda Maaliyadda.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa ka dooday oo ansixiyey Xeerka Kheyraadka Macdanta Dowladda Puntland, Kaasi oo ay soo gudbisay Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ee Dowladda Puntland.

Dallada Mucaaradka Puntland oo ka digey qorshaha madaxweyne Deni

Warsaxaafadeed ka soo baxay dallada mucaaradka Puntland hoos ka akhri:

Dallada Mucaaradka Puntland waxay bulshada la wadaageysaa khatarta iyo marin ahaabinta joogtada ah ee sidii looga bartay xukuumadda wakhtigeedu dhammaadka yahay ay dadka Puntland uga weecineyso waaqica jira iyo tubta toosan.

Waxaana marag madoonta ah in Madaxweynuhu xiriir la samaynayo deegaanada kala duwan ee Puntland isagoo ka codsanaya in ay taageeraan khudbadiisii caal-waaga ahayd, islamarkaana uu ku bixinaayo dhaqaale qabashada shirar uu bulshadda isaga horkeenayo, taasoo ay ka dhalatay inay hadalo xanaf leh hawada isu marinayaan bulsho magaalo ku wadanooli, halka taa bedelkeeda ay Mudnayd in uu ku bixiyo Mushaharaadka Shaqaalaha iyo ciidamada mushahar la’aanta ah muddada dheer.

Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu maalmahaan ku hawlan yahay abaabul ciidan si uu dagaal dalka u geliyo, waxaana taas caddayn u ah booqashadda xeryaha ciidanka sida: Taliska Ciidanka Daraawiishta ce 54aad, la kulanka saraakiisha ciidamadda ugu saraysa, gaar ahaan kuwa hawl- gelinta u qaabilsan iyo kuwa uu sida gaarka ah ugu kalsoon yahay.

Abaabulka colaadda uu wado madaxweynuhu waxay dadka reer Puntland xusuusinaysaa dagaaladdii uu ka ridey Boosaaso iyo Garoowe kuwaas geystey khasare aan weli laga soo kaban, waxayna arrintaan marag-madoonto u tahay sida madaxweynuhu u doonayo inuu xukunka ku joogo qori caaradiis muddo kororsina ku xalaalaysto.

Waxaan ku kalsoonahay in kalaqaybin bulsho iyo xukun maroorsi toona ahayn dariiq lagu najoxo ee ay tahay horseed guuldaro iyo fashil siyaasadeed, waana waddo maristeeda horay loo soo tijaabiyey oo aan la mahadin.

Dalladdu waxay bogaadineysaa soona dhoweyneysaa baaqyada ka soo yeeraya waxgaradka Puntland ee masuuliyadda iyo fariinta wanaagsan xanbaarsan.

DHAMAAD

Exit mobile version