Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo ku dhawaaqay qodobka 99-aad ee Xeerka UN-ta

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo ku dhawaaqay qodobka 99-aad ee Xeerka UN-ta

Waa markii ugu horeysay taariikhda oo Qaramada Midoobay looga dhawaaqo xeerkan 99, go’aankan Xoghayaha guud ayaa kusoo beegmay iyadoo golaha amaanka uusan weli meel marin qaraar xabad joojin ah oo dhexmara Israel, Xamaas iyo xulafadooda.

Iyadoo loo tixgeliyo hay’adda ugu awoodda badan Qaramada Midoobay, 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa u xilsaaran ilaalinta nabadda iyo ammaanka adduunka.

Warqadda uu u diray madaxweynaha golaha Amaanka, Guterres waxa uu ku baaqay mas’uuliyaddan, isaga oo sheegay in uu rumaysan yahay in dagaalka Israa’iil iyo dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, “ay uga sii dari karaan ammaanka adduunka oo dhan”.

Guterres – ayaa ku baaqayay “xabad joojin bini’aadanimo oo degdeg ah” tan iyo 18kii Oktoobar. Wuxuuna si adag u cambaareeyey xasuuqa shacabka iyo burburinta goobaha rayidka ee Gaza.

Dowlada Imaaraadka oo hada xubin ka ah Golaha Amaanka ayaa sheegtay inay diyaarisay Mooshin cusub kadib qoraalka kasoo baxay Guterres.

Haddii goluhu uu doorto in uu ku dhaqmo talada Guterres oo uu qaato qaraar xabbad joojin ah, waxa uu leeyahay awoodo dheeraad ah oo uu ku hubinayo in qaraarka la hirgeliyay, oo ay ku jirto awoodda lagu soo rogo cunaqabataynta ama oggolaanshaha in la diro ciidan caalami ah.

Laakiin shanta xubnood ee joogtada ah ee golaha – Shiinaha, Ruushka, Mareykanka, UK iyo Faransiiska – ayaa haysta awoodda diidmada qayaxan.

Maraykanka ayaa u adeegsaday diidmada qayaxan 18-kii Oktoobar isaga oo ka soo horjeeda qaraar cambaarayn lahaa weerarka Xamaas ee Israa’iil, isla markaana ku baaqayey in la joojiyo dagaalka si loogu oggolaado Gaza gargaarka bini’aadannimo. 12ka xubnood ee kale ayaa u codeeyay, halka Ruushka iyo UK ay ka aamuseen.

Laamaha Amniga Puntland oo gacanta ku soo dhigay ajaanib ka tirsan Khaawarijta Daacish

Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidanka dowlad gobaleedka Puntland ay gacanta ku soo dhigeen afar dhagar qabe oo ka tirsan Khawaarijta Daacish, kuwaas oo u wada dhashay dalka Marooko.

Afhayeenka ayaa sheegay Hawgal ay ciidanka dowlad gobaleedka Puntland ka sameeyeen Buuraha Cali Miskaad November 18, 2023-ka ay gacanta ku soo dhigeen ajaaniib u dhalatay dalka Marooko, kuwaas oo ka tirsan Khawaarijta Daacish

“Ciidamada Amaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay afar dhagar-qabe oo ka tirsan khawaarijta Daacish oo u dhashay wadanka Marooko,” sida uu yiri Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sadiiq Adan Cali (Doodishe).

Sidoo kale Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sadiiq Adan Cali (Doodishe) ayaa sheegay in Hay’adaha ammaanka ay wadaan baaris, isaga oo xusay in marka ay dhammaato baarista ay shacabka Soomaaliyeed la wadaagi doonaan.

Xamaas oo sheegtay inuu heer gebo-gebo ah marayo heshiiska siideynta Maxaabiista

Hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in gebo-gebo uu marayo heshiis lagu sii deynayo maxaabiista.

Qatar ayaa horey u sheegtay in ay hareen arrimo farsamo. Sidoo kale Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in heshiiska heer gebo-gebo marayo.

Illaa iyo hada macada qodobada heshiiskan iyo inay ku jirto xabad-joojin maalmo ah.

Sharuudaha Xamaas ay horey ugu xirtay siideynta dadka ay heystaan ayaa ahayd xabad-joojin iyo siideynta shacabka Falastiin ee u xiran Israel.

Xamaas ayaa sidoo kale gacanta ku heysa tiro askar Israa’iiliyiin ah oo ay qafaasheen 7dii Oktoober.

Israel ayaa sheegtay in dhankooda laga afduubay 237 qof oo ah shacab iyo askar.

Xukuumada Israel ayaa maalmihii lasoo dhaafay cadaadis kala kulmaysey ehelada dadka ku jira gacanta Xamaas, qoysaskaasi oo ku eedeeyey xukuumada Netanyahu inaysan xooga saarin soo-siideynta dadkaasi.

Gaza: Duqeynta Israel oo sii xoogeysatay xili dagaalo ka socdaan waqooyiga

Xoogaga Falastiiniyiinta ee ka dagaalamaya Gaza ayaa sheegay in ay khasaaro u geysteen ciidamada dhulka iyo Taangiyada Israel.

Dagaalada fool ka foolka ah ayaa ka socda waqooyiga Gaza, waxaana xalay dhulkaasi ka dhacay duqeynmo xoogleh.

Israel ayaa laba jibaartay duqeynta cirka ay ku wado waqooyiga Gaza & xeryaha Qaxootiga oo ay sadex kamid ah shalay duqeysay.

Waxaana gebi ahaan go’an khadka Internetka oo ay jartay Israel.

Tiradda dhimashada shacabka Gaza ayaa mareysa in ka badan 9.770 qof oo ay ku jiraan 4.800 caruur ah.

Muuqaalkii laga soo duubay Israeliyiinta Xamaas qafaalatay oo cadaadis xoogan saaray Netanyahu

Waxaa sii kordheysa cadaadiska saaran Raysalwasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu inuu xilka isaga dego kadib muuqaal ay shalay gelinkii danbe siideysay kooxda Xamaas, muuqaalkaasi oo laga soo duubay sadex haween ah oo la hadlay dowladooda Israel inay ka shaqeyso sidii lagu siideyn lahaa.

Dagaalo xoogan oo ka socda gudaha Gaza

Qeybo kamid ah Waqooyiga iyo Bariga Gaza ayaa waxaa ka socda dagaalo fool ka fool ah oo dhexmaray ciidamada Xamaas iyo kuwa Israa’iil.

Dagaalada ugu xoogan ayaa ka dhacay Beytul Xanun, waqooyiga Gaza ayey gudaha u galeen cutubyo ka tirsan ciidamada iyo Taangiyada dagaalka oo isku dayaya inay labo u kala jaraan Marinka Gaza.

Ciidamada Israel ayaa xooga saaraya inay la wareegaan qeybo kamid ah waqooyiga iyo bariga Gaza si ay ugu fududaato inay labo qeybood ugu kala jaraan Waqooyiga iyo Koonfurta Gaza.

Xog badan lagama hayo khasaaraha dagaaladan oo aysan shaacin labada dhinac. War kooban oo kasoo baxay Xamaas ayaa lagu sheegay inay iska difaaceen duulaanka dhulka ee Israel.

Balse waxaa sii kordheysa tirada Shacabka ee ku dhintay duqeynta Israel ay ka wado guud ahaan deegaanada Gaza, tiradaasi oo sare u dhaaftay 8500 qof, halka dhaawaca uu sii marayo in ka badan 20.000 qof.

Ukraine: Ciidamada Ruushka oo qabsaday magaalo muhiim ah

Ciidamada Ruushka ayaa guulo ka gaaray weerarkooda Ukraine, Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay maanta oo Axad ah, goobaha ay qabsadeen waxaa kamid ah magaalada Warshadaha ee Avdiivka, oo uu dagaal xoogan ka socday.

“Ciidamadeenu waxay guulo muhiim ah ka gaareen dhammaan aagaga dagaalka, ayuu ku sheegay Putin wareysi uu siiyay telefishinka Ruushka, oo qayb ka mid ah la soo dhigay baraha bulshada Axaddii.

Ukraine ayaa todobaadkii hore sheegtay in Ruushku uu sare u qaaday weerarada uu ku hayo magaalada safka hore ee dagaalka, taas oo 15 kiiloomitir u jirta magaalada Donetsk ee ay Moscow maamusho.

Ciidamada Ruushka ayaa hadda gacanta ku haya dhulka bariga, woqooyiga iyo koonfurta ee Avdiivka, iyagoo si tartiib tartiib ah u adkeeyey weerarka si ay ciidamada Ukraine uga sii riixaan Donetsk.

Weerarada aadka u xoogan ee uu Ruushka ku hayo Avdiivka ayaa yimid kadib afar bilood oo uu socday weerar rogaal celis ah oo ay qaadeen ciidamada Ukraine, kaasoo ahaa mid gaabis ah sidii la filayay.

Putin ayaa maanta ku celceliyay in weerarkii rogaal celiska ahaa ee Ukraine uu “gabi ahaanba fashilmay”.

Madaxweynaha Asarbayjaan oo calanka qaranka ka taagay caasimadda Nagorno-Karabakh

Madaxweyne Ilham Aliyev ayaa calanka Azerbaijan ka taagay magaalada ugu weyn ee Nagorno-Karabakh maanta oo Axad ah, ka dib markii bishii hore ay ciidamadiisa duullaan kula wareegeen taasi oo sababtay in ay ka qaxaan qowmiyadda Armenian-ka.

Waxay ahayd booqashadii ugu horreysay ee Aliyev uu ku tago magaalada — oo Azerbaijan ay ugu yeerto Khankendi, tan iyo markii ay gacanta u gashay gooni-u-goosadka qawmiyada Armeniyaanka horaantii 1990-meeyadii.

Inta badan dadka lagu qiyaasay 120,000 ee qowmiyadda Armeniyaanka ee ku noolaa dhulkaas ayaa u qaxay Armenia.

Safarka Aliyev waxa uu ku soo beegmay 20 sano tan iyo markii uu noqday madaxweynaha Asarbayjan. Intii uu xukunka hayay oo dhan wuxuu wacad ku maray inuu Karabakh ku soo celin doono gacanta Asarbayjaan.

Sisi: Dagaalka Israa’iil wado maaha is-difaacid ee waa ciqaab-wadareedka shacabka Gaza

Madaxweynaha Masar Cabdifatax al-sisi oo maanta kulan la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken oo maalmahan ku jiray safaro uu ku marayo dalalka Barriga Dhex

Masar ayaa Axadii sheegtay inay xoojisay dadaalada diblumaasiyadeed ee lagu doonayo in gargaar bini’aadantinimo lagu gaarsiiyo Gaza, wuxuuna madaxwaynuhu u sheegay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, in duqeymaha ay Israel ka geysanayso dhulkaasi ay tahay mid Xad-dhaaf ah.

“Falcelintu waxay dhaaftay xaqa is-difaaca, waxayna isu beddeshay ciqaab wadareed 2.3 milyan oo qof oo Gaza ku nool,” ayuu yiri madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi oo ka hadlayay weerarrada aargoosiga ah ee Israa’iil wado.

Si la mid ah dalalka kale ee Carabta, waxay Masar sheegtay in Falastiiniyiintu ay ku ekaadaan dhulkooda, isla markaana ay ka shaqaynayso sidii loo heli lahaa gargaarka la geeyo Qasa.

Bayaan ka soo baxay xafiiska Sisi, oo laga soo saaray shir ay yeesheen golaha ammaanka qaranka, ayaa lagu sheegay in Masar ay diiday qorshe kasta oo lagu barakicinayo Falastiiniyiinta “oo ay waxyeello u geysaneysa ammaanka Masar” uuna yahay khad cas.

Burkina Faso ayaa heshiis ku saabsan warshadda tamarta nukliyeerka la gashay Ruushka

Dowladda Burkina Faso ayaa sheegtay maanta oo Jimce ah, in ay heshiis kula gashay Ruushka dhismaha warshad tamarta Nukliyeerka ah si ay u daboosho baahida tamarta ee dadweynaha.

Burkina Faso ayaa tan iyo sanadkii hore waxaa ka talinayay dowlad milateri ah oo uu hogaamiyo (Kabtan Ibrahim Traoré) oo xiriir dhaw la sameysatay Ruushka, isla markaana xiriirka u jaray dowlada Faransiiska oo horey dalkaasi u gumeysatay.

Heshiiskan ayaa lagu saxiixay Todobaadka Tamarta ee Ruushka kaas oo ka dhacay magaalada Moscow, waxaana goob joog ka ahaa wasiirka tamarta Burkina Faso, Simon-Pierre Boussim.

Wakaalladda Atoomikada ee dawladda Ruushka ee Rosatom ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, heshiiskan is-fahamka ah inuu yahay heshiiskii ugu horreeyay ee ku saabsan adeegsiga nabdoon ee tamarta Atoomikada ee u dhexeysa Ruushka iyo Burkina Faso.

Ruushka ayaa sheegay in heshiisku uu dhidibbada u taagay iskaashiga dhinacyada ay ka mid yihiin isticmaalka tamarta Nukliyeerka ee warshadaha, beeraha iyo dawooyinka.

Exit mobile version