Weriye Calinuur Salaad oo laga sii daayey xabsiga iyo dhinacyadii ka shaqeeyey

Muqdisho – Agaasimihii hore ee warfaafinta ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Weriye Cali Nuur Salaad ayaa maanta laga sii daayey xabsiga, kadib markii uu dhowaan soo xiray booliska Soomaaliya.

Calinuur Salaad ayaa ahaa Agaasimaha Telefishin lagu magacaabo Dawan, waxayna Caasimada Online ogaatay in maanta uu xoriyadiisa dib u helay.

Booliska ayaa markii lasoo xiray Calinuur waxay ku eedeeyeen “been-abuur, aflagaado iyo wax ay ku tilmaameen anshax-darro” in kastoo aysan soo bandhigin cadeymaha eedeymahaas.

Wariye Cali Nuur Salaad oo maalmihii lasoo dhaafay xirnaa ayaa lagu sii daayey dadaallo aan kala joogsi lahayn oo intooda ugu badan ay wadeen siyaasiyiin, xildhibaano iyo bahda saxaafadda.

Dhinacyadaan ayaa ku baaqayey in Weriye Calinuur lasii daayo booliska oo baahiyey soo qabashada Calinuur ayaa ka aamusay sii deyntiisa.

“Waxaa ku socota baarista Boliiska. Waxaana la horgey doonaa Maxkammada awooda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir markii lasoo xiray Calinuur.

Calinuur Salaad ayaa maalin ka hor markii la xiray bartiisa TikTok soo dhigay muuqaal uu ku yiri, “Goobaha ay joogaan ciidamada qaranka waxaa lagu iibiyaa Qaad ama Jaad, ciidankuna waxay ku bedeshaan lacagta mushaarka loo siiyo iyo mararka qaar hubkooda.”

Nigeria: Shaqaale careysan oo xayiray dhamaan garoomada diyaaradaha

NAIROBI, Kenya – Dalka ugu dadka badan qaaradda Afrika ayaa korontadii go’day, waxaana xiran dhaqdhaqaaqa dhamaan garoomada diyaaradaha waaweyn, sidda ay warisay saxaafadda maxaliga ah.

Tani ayaa ka dambeysay markii ururrada shaqaalaha ee ugu waaweyn Nigeria ay billaabeen shaqo joojin ay ku dalbanayaan in mushaar kordhin loo sameeyo iyada oo ay jirto xaaladdii ugu darnayd ee xagga nolosha ah muddo tobanaan sano ah.

Dib-u-habaynta dhaqaalaha ee Madaxweyne Bola Tinubu – oo ay ku jirto joojinta kabitaannada shidaalka – waxay keentay sicir-bararka oo sare u kaca kaas oo jooga heerkii ugu sarreeyay ee 28-sano.

Shaqa joojintii ugu dambeysay ee Isniintii, oo ah tii afraad tan iyo markii Tinubu uu xukunka la wareegay sanad ka hor, shaqaaluhu waxay xireen shabakada korantada qaranka.

Sidoo kale, waxay ka eryeen hawl-wadeenadii xaruntan muhiim ah, sidda shirkadda gudbinta ee Nigeria ay sheegtay, iyada oo intaa ku dartay in shaqaale kale loo diray si ay u soo celiyaan korontada la xannibay.

Dhanka kale, shaqaalaha dawladda ayaa ku guuldarraystay inay soo xaadiraan ama xiraan albaabada laga soo galo xafiisyada, oo ay ku jiraan garoommada diyaaradaha ee caasimadda Abuja iyo xarunta dhaqaalaha ee Lagos.

Boqolaal rakaab ah ayaa xayiran kadib markii shirkadaha diyaaradaha ee maxalliga ah ay hakiyeen howlihii duulimaadka. Tani waxay soo jeedinaysaa baahida loo xal degdeg ah kahor inta xaalku xumaan.

Jubaland oo shaacisay mowqifkeeda bixitaanka ciidamadda Itoobiya

KISMAAYO, Jubaland – Mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Jubbaland ayaa si weyn uga soo horjeestay qorshaha ay ciidamada Itoobiya uga baxayaan dalka dhamaadka sanadkan.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa qorshahan ku tilmaamay arrin adag, isagoo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayuu yiri: “Ma ahan wax ay go’aan ka gaari karaan dad dano gaar ah leh”.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdulqaadir Maxamed, ayaa ku nuux-nuux saday in loo baahan yahay in si qoto dheer looga wada hadlo ka hor inta aan la saarin ciidamada. Wuxuu muujiyay inuu doorbidayo sii joogitaanka ciidamada Itoobiya.

“Haddii hadda la doonayo in dalka laga saaro ciidamada, waxaa loo baahan yahay in si weyn looga wada hadlo, mana jirto cid gaar ah oo go’aan noocaas ah qaadan karta, Koonfur Galbeed way ku qanacsan tahay joogitaanka ciidamada Itoobiya,” ayuu yiri.

Xuseen Sheekh Cali, La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Somaliya, ayaa Jimcihii shaaca ka qaaday in Dowladda Soomaaliya ay rajaynayso in dhammaan Ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Somaliya dhamaadka sanadka, xilli la soo gaba gabeeyay hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya (ATMIS).

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada ka socda dalalka kale ee ATMIS-ka ku deeqay ayaa sii joogi doona Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah howlgalka cusub ee la filayo inuu bilowdo Janaayo 2025, inkastoo aan weli la magacaabin.

Isbar-bar-dhigga dhulalka ay Xasan Sheekh iyo Erdogan kala bedesheen

MUQDISHO, Soomaaliya – Safaaradda Turkiga ee Muqdisho, waxay ku taallaa dhul-xeebeed, waxayna ku fadhisaa in ka badan 61,000 sqm.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bixiyay dhulka muddo xileedkiisii koowaad gaar ahaan sanadkii 2015. Waxaa lagu dhisay $65 million.

Safaaradda Soomaaliya ee Ankara, waxay ku taalla goob diblomaasiyadeed, Incek, Ankara, waxay ku fadhisaa dhul dhan 3,000 illaa 4,918 sqm.

Dhismaha waxaa ku bixi doono wax ka badan $6 million, sidda laga soo xirgtay warbaahinta Turkida.

Dhulka la siiyay Soomaaliya dood badan ayay ka abuurtay Turkiga, waxaana wargeyska Sozcu uu cinwaan uga dhigay warbixin uu ka qoray: “Jacaylka Soomaaliya waxba nooma badbaadin”.

Labada dowladood waxay heshiis ku galeen 2022 inay is-waydaarsadaan dhulka iyo waxyaabo kale, waxaana la filayaa in arinta dhulka safaaradda la siiyay Soomaaliya la horgeeyo Baarlamaanka Turkiga.

Mahmoud Ahmadinejad: Madaxwayne hore oo Ido dhaqasho door-biday

TEHRAN, Iran – Madaxweynihii hore ee Iran oo xilka hayay (2005-2013)Mahmoud Ahmadinejad , oo si nabad ah u dhaqanaya ido ka dib markii uu iska casilay xilkii madaxweynenimo.

Madaxwaynihii hore waxa uu ka tanaasulay lacagta hawlgabka ah ee uu ku qaadan jiray madaxweynanimada, waxuu dib ugu soo noqday Jaamacadii uu wax ka dhigi jiray, waxana uu qaadan jiray lacag dhan 250 dollar bishii, waxana uu si sharaf leh ugu nool yahay gurigiisa.

Marka uu huteel dego, waxa uu waydiistaa qol raqiis ah, laga yaabee xataa sariir la’aan, sababtoo ah waxa uu jecel yahay in uu dhulka ku seexdo hal furaash oo buste hoostiis ah, bas buu dadweynaha la raacaa.

Su’aalaha ku saabsan sababta isaga oo ah madaxweynaha laba xilli, uusan nolol heer sare ah ku noolaan karo ka doortay mida baadiyaha, Axmadinejad wuxuu ku jawaabay in hoggaamiyaha dhabta ah uu u noolaado sida dadkiisa u nool yihiin.

Madaxweynaha Puntland oo Baarlamaanka u gudbiyey Lifaaqa 5aad ee Dastuurka (Dhismaha Baarlamaanka cusub)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa maanta oo Khamiis ah Baarlamaanka Puntland u gudbiyey Lifaaqa 5aad ee Dastuurka ee lagu soo doorto Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo ka kooban 66.

Madaxweynaha Puntland oo bilihii lasoo dhaafay diidanaa inuu xeerkan u gudbiyo Baarlamaanka ayaa sheegay inuu hada ogol yahay in doorashada Puntland ku dhacdo 8da Janaayo balse Madaxweynaha & Kuxigeenka ay soo doortaan Baarlamaanka cusub.

Go’aanadii kasoo baxay Guddiga Issimada SSC-Khaatumo oo loo saaray xalinta khilaafka doorashada ayaa ahaa in Baarlamaanka hada jooga uu soo doorto Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka.

Waxayna ku baaqeen in 12 bilood kadib Doorashada Baarlamaanka la qabto oo ay shacabka soo doortaan. Arrintan oo ay ku xalinayeen caqabada ka taagan kala saarida Xildhibaanada laga soo doorto Sool & Buuhoodle ee hada ku jira Baarlamaanka Puntland, kuwaasi oo mustaqbalka hoos tagi doona maamulka SSC- Khaatumo.

Macada in Baarlamaanka hada jooga uu aqbali doono codsiga Madaxweyne Deni ee ah dhismaha Baarlamaanka cusub iyadoo doorashada ka hartay hal bil oo kaliya.

Sidoo kale Issimada SSC-Khaatumo ayaa horey u sheegay inaysan soo magacaabi doonin Xildhibaano cusub oo kasoo jeeda Sool iyo Buuhoodle oo kamid noqda 66da Baarlamaanka Puntland, arrintaasi oo meesha ka saareysa dhimsha Baarlamaanka cusub ee Puntland oo ay xiligan Beelaha soo magacaabaan.

Wareegtada Madaxweyne Deni ayaa u qornayd sidatan:

MADAXWEYNAHA DOWLADDA PUNTLAND MUDANE SICIID CABDULLAAHI DENI OO U GUDBIYEY GOLAHA WAKIILLADA DPL SOO SAARSAARISTA LIFAAQA 5-AAD EE DASTUURKA DPL.

Xeer Madaxweyne Lr 121 ee December 02 2004 iyo xeer Madaxweyne Lr 112 ee November 09 2008, xeer Madaxweyne 153 November 2013 iyo Xeer Madaxweyne Lr 189. November 2018, oo dhamaantood ku saabsanaayeen soo xulida Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.

Markuu Garowsaday: caqabadaha ku xeeran qabsoomida Doorashada hal qof iyo hal cod si waafaqsan Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 44-aad.

Markuu tixgaliyey: talooyinka ku aadan in Doorashadu dhacdo wakhtigeeda.

Waxuu go’aamiyey: in dib loogu noqdo nidaamkii Doorashadu ku dhici jirtay ee hore.

“Hadaba Mudane Guddoomiye waxaan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ka codsanayaa in ay soo saaraan lifaaqa 5-aad ee Dastuurka ee qabsoomida Doorashada”.

Wada shaqayn wacan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Go’aankii Deni ee Doorashada Puntland, mid soo daahay oo lama huraan ahaa!

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa ugu danbeyn xalay ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay in Doorashada Puntland xiligeeda ku dhacdo iyadoo loo noqonayo nidaamkii horey u jiray ee Baarlamaanka.

Go’aankan Deni ayaa kusoo beegmay saacado kadib markii Guddigii Issimada SSC-Khaatumo ay soo saareen soo jeedinta xalinta khilaafka doorashooyinka Puntland, iyagoo soo jeediyey in Baarlamaanka hada jira soo doorto Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeenka.

Issimada ayaa sidoo kale soo jeediyey in 12 bilood kadib la qabto doorashada Baarlamaanka Puntland oo ku dhaceysa nidaamka xisbiyada ama codka shacabka.

Taladda Issimada Khaatumo ayaa taageerayey talooyinkii horey loogu soo jeediyey Madaxweynaha Puntland ee ka yimid Issimada Puntland, Ganacsatada iyo Culumadda, walow Madaxweynuhu horey talooyinkaasi u qaadacay.

Isku daygan issimada Khaatumo ayaa ahaa kii ugu danbeeyey oo lagu baajin karay isku dhac ka dhasha doorashooyinka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa khudbadiisii xalay si weyn ugu duray go’aanka issimada Khaatumo oo uu ku tilmaamay mid khaldan oo ay gacmo kale ku jiraan, isagoo sheegay inuu aqbalay in doorashada xiligeeda dhacdo balse lasoo doorto 66 Xildhibaan oo cusub ee Baarlamaanka Puntland.

Puntland iyo SSC-Khaatumo
Issimada ayaa go’aankooda sidoo kale xal ugu raadinayey arrinta kala saarida maamulada Puntland iyo SSC-Khaatumo.

Baarlamaanka Puntland ayey hada ku jiraan xildhibaano badan oo laga soo doorto Sool iyo Buuhoodle, waxayna issimada horey u sheegeen inaysan soo magacaabi doonin xildhibaanadaas, kadib dhismihii maamulka SSC-Khaatumo, arrintaasi oo caqabad ku noqonaysa dhismaha Baarlamaan cusub ee Puntland oo ka kooban 66.

Tani ayey ku xaliyeen in Baarlamaanka hada jooga soo doorto Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, si dowlada danbe fursad ugu hesho dhameystirka nidaamka xisbiyada iyo Mashruuca lagu kala saarayo awood-qeybsigii hore ee shacabka Puntland.

Deni ayaa isagu doonayey in wakhti loogu daro balse taasi waxaa si cad uga horyimid mucaaridka.

Fursadihii Deni iyo wakhtigii kalumay
Madaxweyne Deni oo lagu amaanay xiligii uu xilka qabtay inuu dar dar geliyey dhismaha nidaamka Xisbiyadda baddan, inkastoo dadaalkaasi uu hoos u dhigay kadib natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinka Golayaasha deegaanka.

Arrintaasi oo si weyn u dhaawacday nidaamkii la isla ogolaa ee Doorashooyinka, waxaana wakhti kale oo dheeraad ah kasii dhumiyey Madaxweynaha tartankii uu u galay doorashada Federaalka oo hakad ku keentay hawshii dowlada Puntland.

Doorashada Puntland waxaa caado u ah inay mar walba dhacdo 8da Janaayo, waxaana horey u fashilay iskudayo badan oo Madaxweynayaashii soo maray Puntland isku dayeen inay wax ku darsadaan, waxaana u danbeeyey Deni oo hada aqbalay in xiligeeda dhacdo.

Shacabka Puntland ayaa intooda badan taageersan nidaamka xisbiyada badan hase yeeshee waxaa la isku khilaafsan yahay wadada loo marayo.

Mucaaridka Deni ayaa aaminsan in dowlada hada joogta iyadu lugaha qabatay doorashadii Cod iyo Qof, kadib markii wakhtigii ku dhumisay doorashadii Federaalka iyo khilaafyadii ay ka dhex abuurtay degmooyinkii looga guuleystay Golayaasha Deegaanka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo ku dhawaaqay qodobka 99-aad ee Xeerka UN-ta

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo ku dhawaaqay qodobka 99-aad ee Xeerka UN-ta

Waa markii ugu horeysay taariikhda oo Qaramada Midoobay looga dhawaaqo xeerkan 99, go’aankan Xoghayaha guud ayaa kusoo beegmay iyadoo golaha amaanka uusan weli meel marin qaraar xabad joojin ah oo dhexmara Israel, Xamaas iyo xulafadooda.

Iyadoo loo tixgeliyo hay’adda ugu awoodda badan Qaramada Midoobay, 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa u xilsaaran ilaalinta nabadda iyo ammaanka adduunka.

Warqadda uu u diray madaxweynaha golaha Amaanka, Guterres waxa uu ku baaqay mas’uuliyaddan, isaga oo sheegay in uu rumaysan yahay in dagaalka Israa’iil iyo dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, “ay uga sii dari karaan ammaanka adduunka oo dhan”.

Guterres – ayaa ku baaqayay “xabad joojin bini’aadanimo oo degdeg ah” tan iyo 18kii Oktoobar. Wuxuuna si adag u cambaareeyey xasuuqa shacabka iyo burburinta goobaha rayidka ee Gaza.

Dowlada Imaaraadka oo hada xubin ka ah Golaha Amaanka ayaa sheegtay inay diyaarisay Mooshin cusub kadib qoraalka kasoo baxay Guterres.

Haddii goluhu uu doorto in uu ku dhaqmo talada Guterres oo uu qaato qaraar xabbad joojin ah, waxa uu leeyahay awoodo dheeraad ah oo uu ku hubinayo in qaraarka la hirgeliyay, oo ay ku jirto awoodda lagu soo rogo cunaqabataynta ama oggolaanshaha in la diro ciidan caalami ah.

Laakiin shanta xubnood ee joogtada ah ee golaha – Shiinaha, Ruushka, Mareykanka, UK iyo Faransiiska – ayaa haysta awoodda diidmada qayaxan.

Maraykanka ayaa u adeegsaday diidmada qayaxan 18-kii Oktoobar isaga oo ka soo horjeeda qaraar cambaarayn lahaa weerarka Xamaas ee Israa’iil, isla markaana ku baaqayey in la joojiyo dagaalka si loogu oggolaado Gaza gargaarka bini’aadannimo. 12ka xubnood ee kale ayaa u codeeyay, halka Ruushka iyo UK ay ka aamuseen.

Laamaha Amniga Puntland oo gacanta ku soo dhigay ajaanib ka tirsan Khaawarijta Daacish

Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidanka dowlad gobaleedka Puntland ay gacanta ku soo dhigeen afar dhagar qabe oo ka tirsan Khawaarijta Daacish, kuwaas oo u wada dhashay dalka Marooko.

Afhayeenka ayaa sheegay Hawgal ay ciidanka dowlad gobaleedka Puntland ka sameeyeen Buuraha Cali Miskaad November 18, 2023-ka ay gacanta ku soo dhigeen ajaaniib u dhalatay dalka Marooko, kuwaas oo ka tirsan Khawaarijta Daacish

“Ciidamada Amaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay afar dhagar-qabe oo ka tirsan khawaarijta Daacish oo u dhashay wadanka Marooko,” sida uu yiri Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sadiiq Adan Cali (Doodishe).

Sidoo kale Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sadiiq Adan Cali (Doodishe) ayaa sheegay in Hay’adaha ammaanka ay wadaan baaris, isaga oo xusay in marka ay dhammaato baarista ay shacabka Soomaaliyeed la wadaagi doonaan.

Xamaas oo sheegtay inuu heer gebo-gebo ah marayo heshiiska siideynta Maxaabiista

Hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in gebo-gebo uu marayo heshiis lagu sii deynayo maxaabiista.

Qatar ayaa horey u sheegtay in ay hareen arrimo farsamo. Sidoo kale Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in heshiiska heer gebo-gebo marayo.

Illaa iyo hada macada qodobada heshiiskan iyo inay ku jirto xabad-joojin maalmo ah.

Sharuudaha Xamaas ay horey ugu xirtay siideynta dadka ay heystaan ayaa ahayd xabad-joojin iyo siideynta shacabka Falastiin ee u xiran Israel.

Xamaas ayaa sidoo kale gacanta ku heysa tiro askar Israa’iiliyiin ah oo ay qafaasheen 7dii Oktoober.

Israel ayaa sheegtay in dhankooda laga afduubay 237 qof oo ah shacab iyo askar.

Xukuumada Israel ayaa maalmihii lasoo dhaafay cadaadis kala kulmaysey ehelada dadka ku jira gacanta Xamaas, qoysaskaasi oo ku eedeeyey xukuumada Netanyahu inaysan xooga saarin soo-siideynta dadkaasi.

Exit mobile version