Tallaabadan ayey wallaac xoog leh ka muujiyeen musharaxiinta iyo siyaasiyiinta diidan in doorasho dadweyne lagu qaban karo xiliga u haray xukuumada talada haysa.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo maanta furay shir looga hadlayo Doorka Culimadu ay ku leeyihiin taaba-gelinta nabadda iyo dib-u-heshisiinta, ayaa xusay in culimada Soomaaliyeed ay laf dhabar u yihiin baraarujinta bulshada iyo ciribtirka afkaarta qalafsan ee Khawaarijta.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyey sida ay muhiim u tahay in aqoon yahannada Soomaaliyeed ay hormuud uga noqdaan difaaca dalka iyo dabar goynta fikradaha argagixisada.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay in dhibaatooyinka kala duwan ee Soomaaliya dib u dhigay lagaga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada, indheer-garadka iyo dowladda, wuxuuna si gaar ah ugu baaqay culimadu in ay doorkooda ka qaataan dib-u-heshiisiinta, xasillinta, dowlad-dhiska iyo dhammeystirka dastuurka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in argagixisada laga wiiqay dhowr jiho oo ay kamid yihiin dhinacyada ciidanka, dhaqaalaha iyo fikir,ba taas oo horseedday in deegaanno iyo dhul ballaaran oo ay ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed maanta ay xor yihiin, inta harsanna weli lagu sii raad-joogo.
Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta Cilmi Baarista iyo Daraasaadka ee Maqaasid, ayaa waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yusuf Axmed, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, culimo, Aqoonyahanka Soomaaliyeed iyo wufuud ka kala socotay dalalka Carabta iyo dowladdaha dariska ah.
Qeybo kamid ah Waqooyiga iyo Bariga Gaza ayaa waxaa ka socda dagaalo fool ka fool ah oo dhexmaray ciidamada Xamaas iyo kuwa Israa’iil.
Dagaalada ugu xoogan ayaa ka dhacay Beytul Xanun, waqooyiga Gaza ayey gudaha u galeen cutubyo ka tirsan ciidamada iyo Taangiyada dagaalka oo isku dayaya inay labo u kala jaraan Marinka Gaza.
Ciidamada Israel ayaa xooga saaraya inay la wareegaan qeybo kamid ah waqooyiga iyo bariga Gaza si ay ugu fududaato inay labo qeybood ugu kala jaraan Waqooyiga iyo Koonfurta Gaza.
Xog badan lagama hayo khasaaraha dagaaladan oo aysan shaacin labada dhinac. War kooban oo kasoo baxay Xamaas ayaa lagu sheegay inay iska difaaceen duulaanka dhulka ee Israel.
Balse waxaa sii kordheysa tirada Shacabka ee ku dhintay duqeynta Israel ay ka wado guud ahaan deegaanada Gaza, tiradaasi oo sare u dhaaftay 8500 qof, halka dhaawaca uu sii marayo in ka badan 20.000 qof.
Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ayaa dood iyo falanqeyn dheer ka dib ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2024, taas oo gaaraysa $387,550,700 (Saddex boqol sideetan iyo todoba milyan shan boqol iyo konton kun) taas oo sannadkaa la siyaadiyey 3%, sida lagu sheegay war ka soo abxay Wasaaradda Maaliyadda.
Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa ka dooday oo ansixiyey Xeerka Kheyraadka Macdanta Dowladda Puntland, Kaasi oo ay soo gudbisay Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ee Dowladda Puntland.
Warsaxaafadeed ka soo baxay dallada mucaaradka Puntland hoos ka akhri:
Dallada Mucaaradka Puntland waxay bulshada la wadaageysaa khatarta iyo marin ahaabinta joogtada ah ee sidii looga bartay xukuumadda wakhtigeedu dhammaadka yahay ay dadka Puntland uga weecineyso waaqica jira iyo tubta toosan.
Waxaana marag madoonta ah in Madaxweynuhu xiriir la samaynayo deegaanada kala duwan ee Puntland isagoo ka codsanaya in ay taageeraan khudbadiisii caal-waaga ahayd, islamarkaana uu ku bixinaayo dhaqaale qabashada shirar uu bulshadda isaga horkeenayo, taasoo ay ka dhalatay inay hadalo xanaf leh hawada isu marinayaan bulsho magaalo ku wadanooli, halka taa bedelkeeda ay Mudnayd in uu ku bixiyo Mushaharaadka Shaqaalaha iyo ciidamada mushahar la’aanta ah muddada dheer.
Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu maalmahaan ku hawlan yahay abaabul ciidan si uu dagaal dalka u geliyo, waxaana taas caddayn u ah booqashadda xeryaha ciidanka sida: Taliska Ciidanka Daraawiishta ce 54aad, la kulanka saraakiisha ciidamadda ugu saraysa, gaar ahaan kuwa hawl- gelinta u qaabilsan iyo kuwa uu sida gaarka ah ugu kalsoon yahay.
Abaabulka colaadda uu wado madaxweynuhu waxay dadka reer Puntland xusuusinaysaa dagaaladdii uu ka ridey Boosaaso iyo Garoowe kuwaas geystey khasare aan weli laga soo kaban, waxayna arrintaan marag-madoonto u tahay sida madaxweynuhu u doonayo inuu xukunka ku joogo qori caaradiis muddo kororsina ku xalaalaysto.
Waxaan ku kalsoonahay in kalaqaybin bulsho iyo xukun maroorsi toona ahayn dariiq lagu najoxo ee ay tahay horseed guuldaro iyo fashil siyaasadeed, waana waddo maristeeda horay loo soo tijaabiyey oo aan la mahadin.
Dalladdu waxay bogaadineysaa soona dhoweyneysaa baaqyada ka soo yeeraya waxgaradka Puntland ee masuuliyadda iyo fariinta wanaagsan xanbaarsan.
Wasiir ku xigeenkiiWasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha dastuurka ee Puntland Mudane Dr Maxamed Cali Faarax ayaa xilkii uu hayey mudada shanta sano ah iska casiley.
Dr Maxamed Cali Faarax oo qoraalkiisa ku baahiyey barta Facebook ayaa sheegay in sidoo kale uu iska casiley xubinimadii ururka siyaasadeedka Kaah iyo xilkii uu ka hayey.
Wasiir ku xigeenka ayaa ka mid ahaa saaxiibada ku dhaw Madaxweyne Deni shantii sanno ee la soo dhaafey sidoo kale waxa uu xubin muhim ah ka ahaa Xisbiga Kaah.
Wasiirku ma sheegin sabab rasmi ah, waxaasae la aaminsan yahay in ay xiriir la leedahay is maandhaafka siyaasadeed ee Puntland ka taagan.
Anigoo ah: Dr. Maxamed Cali Faarax, ahna Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Caddaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta; kana mid ah Asaasayaasha Xisbiga Kaah iyo Masuuliinta sar-sare; waxaan go’aansaday inaan iska casilo jagada Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Caddaaladda iyo sidoo kale xubinnimadii iyo masuuliyaddii Xisbiga Kaah aan u hayay.
Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi oo kamid ah siyaasiyiinta u sharaxan xilka madaxtinimada Puntland 2024 ayaa u hambalyeeyey maamulka SSC-Khaatumo oo ay maanta aqoonsatay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Jananka ayaa door weyn ka qaatay halgankii SSC looga xoreeyey maamulka Somaliland, isagoo ku garab istaagay maal iyo moodba.
” Waxaan si diiran u soo dhoweynaynaa uguna hanbalyeynayaa aqoonsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ay siisay Maamulka Cusub ee SSC-Khaatumo state.
Waxaan u mahadcelinayaa Dowladda Federaalka oo kaalinteedii ka soo baxday.
Sidoo kale waxaan dhiirigelinayaa Maamulka SSC-Khaatumo inay noqdaan kuwo u hagar-baxa bulshadooda, kaalin weyn ka qaata dib u soo kabashada deegaankaas iyo midnimada Soomaaliya.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ua qoonsatey maamulka SSC-Khaatumo ee dhawaan looga dhawaaqey Laascaanood. Aqoonsiga ayaa yimid muddo 10 maalmood ah oo hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye ku sugnaa Muqdisho isaga oo casumaad ka helay dowaladda.
Warsaxaafadeedka ayaa loo dhigay sidan:
WARSAXAAFADEED Muqdisho, 19 Oktoober 2023 Xukuumadda Federaalku ayadoo gudanaysa mas’uuliyadda iyo waajibaadka ka saaran wadajirka iyo isu-haynta dalka, waxay martiqaadday hoggaamiyaha maamulka ku meel gaarka ah ee SSC- Khaatumo iyo wafdi uu hogaaminayo. Si wada tashi looga yeesho xaaladda degaanka iyo guud ahaan dalka. Doodo iyo falanqayn dheer oo taabanayey xaaladaha siyaadadeed, amni, bani’aadamnimo ka dib, waxaa la isla qaatay:
Xukuumadda Faderaalku waxay mar labaad taageeraysa go’aanadii issimada dhaqanku ay shirweynahoodii Laascaanood ka soo saareen 06/02/2023, Ayadoona soo dhaweynaysa isla markaana la shaqaynaysa maamulka ku meel gaarka ah ee dadka deegaanku ay dhisteen.
Xukuumadda Federaalki waxay mar kasta ku baaqaysaa gacanna ay ka geysanaysaa dadaal kasta oo nabad iyo xasilooni ku soo dabaalaya deegaankaas. Ayadoo wixii khilaaf ah ee jirana lagu xallinayo wadahadal iyo wada-xaajood. Waxayna maamulka SSC Khaatumo ku bogaadineysaa sida ay diyaarka ugu yihiin xabbad joojinta iyo nabad ku wada noolaashaha.
Dowladda federalka Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa Somaliland iyo maamulka SSC Khaatumo Xabad joojin iyo inay sii-daayan Maxaabiista ay kala hayaan, Waxayna xukumadda federalka diyaar u tahay inay fududeyso hawlaha arrintaas la xiriira.
Xukuumadda Federaalku ayadoo ka duulaysa mas’uuliyadeeda waxay si degdeg ah uga hawlgalaysaa dib u soo noolaynta iyo tayaynta adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo guud ahaan arrimaha bani’aadamnimada.
We use cookies to ensure that we give you the best experience on our website. If you continue to use this site we will assume that you are happy with it.Ok