News

Xog: Villa Somalia oo qaaday tallaabo lama filaan ah oo la xiriirta bixitaanka ATMIS

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay qorshaha bixitaanka ciidanka ATMIS ee haatan Nabad Ilaalinta u jooga gudaha Soomaaliya, waxayna dalbaday in dib loo dhigo qorshaha lagu dhimayo ciidankan.

Sida ku cad warqad uu la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya u diray danjiraha Albania Ferit, oo hadda ah madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, dowladda ayaa dalbatay in muddo kooban dib loogu dhigo qorshaha bixitaanka ATMIS.

Warqaddan oo ku taariikheysneyd 19-kii Septembar ayaa waxa ay dowladdu ku codsatay n 90 maalmood dib loo dhigo wajiga labaad ee ka bixitaanka ciidamada ATMIS oo qorshuhu ahaa in dalka looga saaro illaa 3,000 oo askari, marka la gaarao dhammaadka September.

“Waxay dowladda Soomaaliya codsaneynsaa in la hakiyo qorshihii bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Nabad Ilaalinta u jooga Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sababta ayaa waxa ay dowladdu ku sheegtay inay haatan dagaal xoogan kula jirto Al-Shabaab, kaas oo mararka qaar khasaare xoogan uu kasoo gaaro ciidanka Xoogga dalka.

Waxaa kale oo qoraalkan saldhig looga dhigay in xilligan xaaladda taagan aysan saamaxeyn in dalka ay ka wada baxaan ciidamada howlgalka ATMIS.

Dalabkan ayaa kusoo aaday, iayada oo todobaadkii hore ciidamada ATMIS ay wareejiyeen saldhiggii deegaanka Biyo-Cadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo ku yaalla duleedka magaalada Jowhar oo xarun u ah dowlad goboleedka HirShabelle.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh oo arrintaan ka duulaya ayaa u dhoofay dalka Jabuuti, isaga oo halkaas u aaday inuu madaxweyne Geelle kala soo hadlo in ciidamadiisa ay sii joogaan aagga magaalada Dhuusamareeb oo uu hadda ka socda abaabulka dagaalka.

Si kastaba, qaraarka QM ayaa dhigaya in dhammaadka sanadka soo socda ciidanka ATMIS guud ahaan laga saaro Soomaaliya, si ay amniga ula wareegaan ciidanka Xoogga dalka.

Related Posts