MUQDISHO, Soomaaliya – Safaaradda Turkiga ee Muqdisho, waxay ku taallaa dhul-xeebeed, waxayna ku fadhisaa in ka badan 61,000 sqm.
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bixiyay dhulka muddo xileedkiisii koowaad gaar ahaan sanadkii 2015. Waxaa lagu dhisay $65 million.
Safaaradda Soomaaliya ee Ankara, waxay ku taalla goob diblomaasiyadeed, Incek, Ankara, waxay ku fadhisaa dhul dhan 3,000 illaa 4,918 sqm.
Dhismaha waxaa ku bixi doono wax ka badan $6 million, sidda laga soo xirgtay warbaahinta Turkida.
Dhulka la siiyay Soomaaliya dood badan ayay ka abuurtay Turkiga, waxaana wargeyska Sozcu uu cinwaan uga dhigay warbixin uu ka qoray: “Jacaylka Soomaaliya waxba nooma badbaadin”.
Labada dowladood waxay heshiis ku galeen 2022 inay is-waydaarsadaan dhulka iyo waxyaabo kale, waxaana la filayaa in arinta dhulka safaaradda la siiyay Soomaaliya la horgeeyo Baarlamaanka Turkiga.