News

Sawirro: Wararkii ugu dambeeyay howlgallada ka socda SH/DHEXE

Aadan-Yabaal (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka ayaa maanta howlgallo culus ka wada aagga degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howlgalladan oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa fulinaya ciidanka qaybta 26-aad ee ilaalo qaran, kuwaas oo isku fidiyay howdka u dhexeeya Daaru nimca iyo Ruun-Nirgood.

Ciidamada ayaa burburiyay goobo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen oo ku yaalla halkaasi, sida uu shaaciyay taliyaha guutada Gumac oo hoggaaminaya howlgalladaasi.

“Waxay ciidanku bur buriyeen goobo ay maleeshiyaadka khawaarijta gabaad ka dhiganayeen si ay isugu aruursadaan dhulka howdka ah, kalana eriyeen maleeshiyaadkii isku aruursanyay halkaasi” ayuu yiri taliye Sayid Cali Cabdi Cadaawe.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee ilaalo qaran gaar ahaan guutada Gumac ayaa weli wada baacsiga maleeshiyaadkii ku dhuumaalaysanay dhulka howdka ah”

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo la gaarsiiyay Kooxda Al-Shabaab, inkastoo uusan soo bandhigay tiro rasmi ah

Dhanka kale, waxaa weli duqeymo iyo howlgallo ay ka socdaan aagga degmada Mahadaay, halkaas oo lagu go’doomiyay xubno ka tirsan Shabaab oo kasoo gudbay wabiga Shabelle.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladan ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

HirShabelle iyo Galmudug ayaa waxaa hadda ka socda gulufkii ugu xooganaa oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

Related Posts