News

Daawo: Ma’suuliyiin shaaciyay in loo soo aargudi doono reer Beledweyne

Xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo xalay garoonka Aadan Cadde ugu tegay dhaawacyadii laga soo qaaday magaalada Beledweyne ayaa ka hadlay weerarkii is-miidaaminta ee kooxda Al-Shabaab.

Xoghayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Faysal Caraale oo kamid ah mas’uuliyiinta meesha ka hadlay, kana soo jeedo gobolka Hiiraan ayaa wacad ku maray in loo soo aari doono dhamaan dadkii shacabka ahaa ee shalay lagu dhibaateeyay Beledweyn.

“Nimanka Khawaarijta ficilada ay sameynayaan waxaan ka qaadeynaa ad-adeeg iyo inaan usoo aarno dadkaas shacabka ah, waana loo soo aaraayaa” ayuu yiri xoghayuhu.

Faysal Caraale ayaa sidoo kale farriin u diray reer Beledweyne, wuxuuna ugu baaqay inay jawaab deg-deg ah ka bixiyaan weerarkii shalay ka dhacay magaaladaasi.

“Waxaan rajeynayaa in dhaawacyada la keenay, ayaga oo caafimaad qaba inay laaban doonaan nimankii Khawaarijta ahaa ee dhibkaan gaarsiiyay ayaga oo aan waxba galabsan inay kasoo aarsan doonaan, dadka kale ee Beledweyne joogana way usoo aari doonaan” ayuu mar kale yiri Xoghayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir, Faysal Caraale.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Waxaa naga go’an oo aan habeen iyo maalin u taagnaan doonaa haddii uu illaah yiraahod nimankaas Khawaarijta ah oo Muslimka dhibay in gacmaha lagu cadaabo”.

Dhankiisa xildhibaan Maxamuud Cabduqaadir Jeego oo kamid ah xildhibaanada ka hadlay meesha ayaa sheegay inuu sii dhacayo gabalka Al-Shabaab, wuxuuna ugu baaqay shacabka reer Hiiraan inay sii wadaan halgankooda, ayna la dagaalamaan kooxda.

“Khawaarijta waa laga adkaaday,Waqtigodana waa dhamaday Shacabka Baladweynow sidaad Argagixisada iskaga celiseen,iskaga celiya dadka cadowga gudaha Magaalada u joogo.” ayuu isna yiri Xildhibaan Maxamuud Cabduqaadir Jeego.

Si kastaba, Hiiraan ayaa kamid ah meelaha sida weyn loogu jebiyay Al-Shabaab, waxayna taas keentay in kooxdu bartilmaameed ka dhigato magaalada Beledweyne oo noqotay goobta labaad ee ugu qaraxyada badan marka laga yimaado magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Related Posts