Blog

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo gaarey Dhuusamareeb

Waxaa maanta ka degey magaalada Dhusamareeb ee xarunta Galmudug, Musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda isla maamulkaas.

Wefdigan waxaa ka mid ahaa saddex mudane oo hore uga soo noqdey Soomaaliya Guddoomiyaha Golaha Shacabka kuwaas oo kala ah:

  1. Shariif Xasan Sheekh Aadan
  2. Maxamed Cismaan Jawaari
  3. Maxamed Mursal

Sidoo kale waxaa wefdiga ka mid ah Musharixiin kale oo u taagan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaana ka mid ah Wasiirkii hore ee Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti, Agaasimihii hore ee madaxtooyada ee dhawaan is casiley Xuseen Sheekh Maxamuud iyo qaar kale.

Siyaasiyiintan ayaa sheegay in ay Dhuusamareeb u tageen, sidii ay Madaxweynaha ugu taageeri lahaayeen dagaalka socda ee wejiga labaad ee al-Shabaab dalka looga sifeynaayo, iyo ujeedada ugu weyn ee ah doorashadii Madaxweynaha Koonfur Galbeed sidii ay u qabsoomi lahayd, oo loo fulin lahaa heshiiskii Madaxweyne Xasan Sheekh goob jooga ka ahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bishi Febaraayo goob joog ka ahaa heshiis lagu kala sdaxiixdey Baydhabo kaas oo la xiriirey qabsoomida doorashada Koonfur Galbeed oo lagu heshiiyey in ay dhacdo Janaayo 2024.

Muddo xileedkii Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa dhacdey bishii Diseembar 2022, waxaana heshiiska Baydhabo dhigaayey in muddo hal sano ah xilka loogu daro.

Koonfur Galbeed, marna kama dhicin doorasho ka madax banaan Muqdisho. Cabdicasiis Lafagareen ayaa hadda ka maqan Baydhabo waxaana uu safar ugu baxay dalka Turkiga.

Siyaasiyiinta ku kacsan Laftagareen ayaa sheegay in 5 Oktoobar 2023 ay Baydhabo tegayaan si loo dardargeliyo qabashada doorasha.

Maraykanka oo markale gacanta ku dhigay sarkaal sare oo ka tirsan Daacish

Ma jiro dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay hawlgalkan, sida uu sheegay taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka.

“Taliska USCENTCOM waxaa weli ka go’an xaqiijinta guuldarada ISIS,” ayuu yiri Lt. Col. Troy Garlock, afhayeenka CENTCOM.

Waa xubintii labaad ee sare oo Daacish ka tirsan oo ay ciidamada Maraykanka todobaad gudihiis ku qabtaan hawlgal noocaan ah.

Taliska Ciidanka Dhexe ee Mareykanka ayaa ku guuleystay hawlgal loo adeegsaday diyaarado Helicopter ah oo ay ka fuliyeen waqooyiga Suuriya, Sebtembar 23, 2023 ayaa sidoo kale lagu qabtay Abu Halil al-Fad’ani oo ahaa sarkaalka howlgallada iyo fududeynta ISIS ee Suuriya.

Xukun dil ah oo lagu riday xubno ka tirsanaa Shabaab oo dilal ka fulin jiray Gaalkacyo

Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) waxa ay kamid ahaayeen Shabakad ka kooban Lix ruux oo dilalka gaadmada ah iyo qaraxyada ka fulisa Mudug gaar ahaan Gaalkacyo.

Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) ayaa lagu soo eedeeyay dilka Marxuum Maxamed Jaamac Maxamed (Cagabiyood).

Halka Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) oo ahaa horjoogihii shabakada isagana lagu soo eedeeyay dilka marxuumiinta kala ah Cabdi Aadan Siyaad (Cabdi Dheere) iyo Cilmi Cali Guuleed.

Waxa ayna dhamaan dilalkan dhaceen xili marxuumiinta ay kasoo baxeen Masjid-ka oo ay ku cibaadeysanayeen.

17-kii bishii April ee sanadkan ayey soo galeen gacmaha ciidamada amniga kadib howlgal looga jawaabayay qarax ay la beegsadeen gaari Cabdi Bille ah oo ay lee yiihiin kumaandooska xoogga dalka ee Danab.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaas, fadhiyo kala duwan ka dib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa 22-kii bishii May ee sanadkan ku xukuntay Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) xukun dil toogasho ah.

Qareenada u doodaayay eedeysanayaasha ayaa qaatay racfaan ka dib xukunkii dilka ahaa ee lagu riday.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen qareenada 24-tii bishaan.

Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow), sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda.

Ciraaq: Ugu yaraan 100 ayaa ku dhintay dab ka kacay goob uu ka socdey xaflad aroos

Masiibada ayaa ka dhacday waqooyiga gobolka Nineweh. Maamulka ayaa sheegay in ay filayaan in tirada dhimashadu ay kor u kacdo iyadoo shaqaalaha gurmadka degdega ah ay baadi goobayaan dad ka badbaaday burburka hoolka arooska

Ugu yaraan 113 qof ayaa ku dhintay, in ka badan 150 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii uu dab qabsaday xaflad aroos oo habeenkii Arbacada ka dhacday magaalada Al-Hamdaniyah oo u dhow magaalada Mosul ee gobolka Nineveh.

“Dedaal dheeraad ah ayaa lagu bixinayaa sidii gurmad loogu fidin lahaa dadkii ku waxyeeloobay shilka nasiib darrada ah,” ayuu yiri afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka.

Maxaa sababay dabka?

Dabka ayaa ka kacay dhismaha ka dib markii la shiday waxa loo yaqaan “rashka” inta lagu guda jiro dabaaldega arooska, sida ay sheegeen saraakiisha difaaca madaniga ah ee deegaanka.

Maamulka difaaca madaniga ah ayaa ka warbixiyey tiirarka hoolku iska lahaa ay ahaayeen ku degdeg ku guban kara oo ka hor imaanaya heerarka badbaadada” gudaha hoolka.

“Dabku wuxuu sababay in qaybo ka mid ah saqafka sare ay soo daataan sababtoo ah isticmaalka qalab dhisme oo aad u guban kara oo rqiis ah,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay maamulka difaaca madaniga ah.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Shiicada Al-Sudani ayaa amray in baaritaan lagu sameeyo dabkaasi, wuxuuna ka codsaday wasaaradaha arrimaha gudaha iyo caafimaadka ee dalkaasi inay gurmad u fidiyaan, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiskiisa.

Booliska Beledweyne oo hal qof u qabtey qaraxii dadka badan ku dhinteen

Booliiska magaalada Baledweyne ayaa qaraxii ka dhacay Baledweyne 23-kii bishaan u soo xiray askari ka tirsan ciidanka dowladda.

Taliyaha ciidanka Booliiska degmada Baledweyne Axmed Cali Aadan ayaa laanta afsoomaaliga ee VOA-da u sheegay iney xabsiga dhigeen askarigii ku qornaa koontaroolkii uu kasoo gudbay gaarigii ku qarxay Sabtigii gudaha magaalada Baledweyne.

Sarkaalka Booliska u hadley ayaa sheegay in ciidanka ay baadigoobayaan rag kale oo waaran u jaran yahay, islamarkaana ay soo qaban doonaan ciidamada.

Qaraxii Sabtigii ka dhacay Baledweyne oo ahaa mid loo adeegsaday gaari Xamuul ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa kaas oo geystay khasaaraha dhimashada dad ku dhaw 30 qof, dhaawaca in kabadan 50 qof iyo walba burbur baaxad leh oo gaaray dhismayaal ganacsi, guryo ku yaala xaafadaha Kooshin iyo Xaawo taako.

Ilaa hadda lama sheegin halka gaarigan bartilmaameed u ahayd, axaa la aaminsan yahay in ururka al-Shabaab ay soo maleegeen inkasta oo aysan weli sheegan.

Donald Trump oo lagu helay in uu ku kacay khiyaano

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sanado badan buun buuniyay qiimaha hantidiisa si uu u helo deyn iyo caymis wanaagsan. Garsoore ku sugan New York ayaa sidaas xukumay. dacwadda ka dhanka ah Trump ayaa la qaadayaa maalinta Isniinta.

Garsoore Arthur Engoron oo ku sugan Manhattan, New York, ayaa go’aamiyay in Donald Trump uu ku kacay fal-dambiyeed wax isdabamarin ah, waxaana uu khiyaameeyey bangiyada ganacsiga iyo shirkadaha caymiska markii uu dhisaayey shirkadiisa ganacsi, wuxuu sannado badan buun buuniyay qiimaha hantidiisa si uu u helo dulsaar hoose, khidmadaha caymiska oo jaban iyo heshiisyo ganacsi oo wanaagsan.

Xeer ilaaliyaha guud ee gobolka New York Letitia James ayaa dacwad ku soo oogtay Trump, labadiisa wiil ee waaweyn iyo ganacsiga qoyska ee Trump Organization. Trump ayaa lagu eedeeyay inuu ku buun buuniyay qiimaha hantidiisa in ka badan $2.2 bilyan.

Xeer ilaaliye James waxa uu doonayaa in Trump lagu khasbo in uu bixiyo ganaax dhan $250 milyan oo dollar iyo in laga mamnuuco shirkadiisa iyo qoyskiisuba in ay ganacsi danbe ku sameeyaan New York.

Trump ayaa ka xanaaqay go’aankan waxaana uu garsooraha ku tilmaamay mid waalan, arrimaha lagu eedeeyey ayuu u yaqaan in aysan ahayn kuwo qof lagu eedeeyo ee uu yahay qof wax ka soo baxay qof caqli badan.

Sida laga soo xigtay qareenka Trump Alina Habba, Trump wuxuu racfaan ka qaadan doonaa go’aanka Engoron.

“Go’aanka waxaa looga golleeyahay in la qarameeyo mid ka mid ah shirkadaha ganacsi ee ugu guulaha badnaa Mareykanka iyo in lagala wareego hantida gaarka ah,” ayuu yiri qareen kale oo u hadley Trump oo lagu magacaabo Christopher Kise.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo sheegay in dhaqaaluhu hoos u dhacay

Wasiirka Maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in dhaqaalaha Somaliland hoos dhac weyn ku yimid, tan iyo marki ay bilowdeen dagaalada gobolka Sool. Sacad Cali Shire ayaa kulan la qaatay Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in ganacsiga xooluhu uu aad u wanaagsanyahay, lakiin ganacsiga suuqyadu uu hoos u dhacay.

“Ganacsiga xooluhu wuu fiicnaa sannadka, roob badana wuu da’ay, xooluhuna way inoo caafimaad qabaan, xoolo badan ayaa dhoofay, lakiin waxa uu ganacsigeenu uu aad ugu xirnaa ganacsihii Wajaale mari jiray kaasi oo uu hada hakad ku yimid, waxa inoo soo raacay kii bariga laftiisa” ayuu yiri Sacad Shire.

Gubashada suuqii waynaa ee Waaheen iyo dagaalka Laascaanood ayaa dhaawacay dhaqaalaha Somaliland, waxa taas dheer gubashada suuqa weyn Wajaale, kaasi oo uu dhaqaale badani kasoo gali jiray Somaliland.

Ganacstada dowladda deegaanka Itoobiya ayaa badankood u wareegeen dekadaha Puntland taas oo iyaduna dhabar jab ku noqotey dhaqaalaha Somaliland.

Cuba oo ka warbixisay weerar loo geystay Safaaradda dalkaas ee Maraykanka

WASHINGTON – Wasiirka arrimaha dibadda ee Cuba, Bruno Rodriguez Parrilla ayaa bartiisa bulshada ee X ka sheegay in habeenimadii Axadda weerar loo adeegsaday “molotov cocktails”  loo geystay safaaradda Cuba ee magaalada Washington, isagoo intaa ku daray in aysan jirin cid wax ku noqotay weerarka.

Weerarka ayaa dhacay saacado un kadib markii hogaamiyaha Cuba Miguel Díaz-Canel uu dib ugu soo laabtay jasiiradaasi, ka dib markii uu ka soo qeyb galay shirarkii Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay New York todobaadkii hore.

Safaaradda Cuba ayaa dib loo furay 2015-kii markaasoo labada dal ay dib u soo ceshadeen xiriirkooda diblumaasiyadeed ee go’ay tan iyo 1961. Rodriguez ayaa sheegay in sidoo kale rasaas lagu furay safaaradda sanadkii 2020-ka.

Faransiiska oo ka mamnuucay dumarka uga qeyb galaya ciyaaraha Olombikada inay xijaab xirtaan

PARIS – Dhaqdhaqaaqayaal Faransiis ah iyo kuwa wax ku qora baraha bulshada ayaa weeraray wasiirka ciyaaraha Faransiiska Amelie Castera ka dib markii ay shaaca ka qaaday in xijaabka laga mamnuuci doono gabdhaha Faransiiska ah ee ka qeyb galaya ciyaaraha Olombikada soo socda, kaasoo Faransiiska uu martigelin doono sanadka 2024-ka.

Castera ayaa sheegtay in mawqifka Faransiisku uu aad u cad yahay, waxaana muujiyay Golaha Dawladda iyo Ra’iisul Wasaaraha Elizabeth Bourne, taas oo ah in loo hoggaansamo nidaamka cilmaaniga ah si adag loogu dabaqo dhanka ciyaaraha.

Saxafiyiinta iyo aqoonyahanada ayaa u arkayay hadalka wasiirka iyo go’aankan inuu yahay qeyb cusub oo ka mid ah xayiraadaha lagu soo rogay xoriyada, halka qaar kalena ay ku sifeeyeen fal ka dhan ah diinta Islaamka.

Bishii Janaayo ee sannadkii hore, Senatka Faransiiska ayaa u codeeyay qodob muran dhaliyay oo ku jira sharciga dimuqraadiyeynta Ciyaaraha Faransiiska. Sharcigan ayaa mamnuucaya xirashada xijaabka xilliyada ay socdaan tartamada ciyaaraha ee ay qabanqaabiyaan xiriirada Ciyaaraha ee dalka.

Mareykanka oo ku baaqay in la xoojiyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab

NAIROBI, Kenya – Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa isniintii carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo “in la joogteeyo” dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya in kasta oo dib u dhac uu kala kulmay militariga dalka, oo ay mararka qaar gacan siiyaan ciidamada Washington.

“Walaacayada ayaa ah inaan dhisnay xoogaa dardar ah, waxaana dooneynaa inaan sii wadno dardargelinta,” Austin ayaa Isniintii ku yiri shir jaraa’id oo uu Nairobi kula yeeshay Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Ducaale.

Xoghayaha ayaa booqasho ku tagay caasimadda Kenya, taasoo qayb ka ah socdaalkiisii ​​ugu horreeyay ee Afrikaan ah, kaasoo Axaddii ka billaabay dalka Jabuuti, wuxuuna Arbacada ku soo gaba-gabeyn doonaa Angola.

“Waxaan ognahay in horumarku aanu had iyo jeer ahayn xariiq toosan, sidaas darteed waxaa laga yaabaa inaan aragno arrimuhu inay soo hagaagayaan hal maalin, waxaana laga yaabaa inaan aragno caqabado maalinta xigta,” ayuu carrabka ku adkeeyay.

Austin ayaa hadalkan sheegay ka dib markii dowladda Soomaaliya ay codsatay in dib loo dhigo ka bixitaanka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) todobaadkii hore, kaasoo billowday in si tartiib-tartiib ah xilalka loogu wareejiyo ciidamada Qaranka horaantii sanadka 2023-ka.

Haddaba, warqad ay u dirtay Qaramada Midoobay, ayaa Hay’adda Fulinta waxay ku codsatay “hakin farsamo” oo sagaashan maalmood ah ka dib “dib u dhacyo dhowr ah oo waaweyn” ka dib, taasoo ku khasabtay askarta Soomaalida inay ka baxaan meelo dhawaan laga soo saaray.

Dhanka Jabuuti, Xoghayaha ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku macneeyay inuu u baahan yahay waqti dheeri ah, maadaama uu wajahayo howl adag oo ah inuu sii joogteeyo cadaadiska Al Shabaab, isla markaana uu soo uruuriyo ciidamo si ay awood ugu yeeshaan inay sii ahaadaan kuwo tayo leh. .”

Sida laga soo xigtay hogaamiyaha Mareykanka, Maxamuud ayaa sheegay in “maalgashi la taaban karo oo dhinacyo kale ah, horumarinta dhaqaalaha, wax ka qabashada sababaha asaasiga ah ee xasilloonida” ayaa loo baahan yahay marka lagu daro tallaabo milatari.

Ducaale, ayaa dhankiisa, ku dhawaaqay saxeexa qaab-dhismeedka iskaashiga difaaca ee u dhexeeya 2023 iyo 2028, kaas oo ” hoosta ka xariiqay” “go’naanta la wadaago ee nabadda iyo amniga gobolka iyo caalamka.”

ATMIS waxaa Soomaaliya ka joogay ilaa 20,000 oo askari oo labisan, kuwaas oo u badan Uganda, Burundi, Kenya, Djibouti iyo Ethiopia.

30-kii Juun, howlgalka ayaa dhameystiray wajigiisii ​​ugu horreeyay ee bixitaanka ka dib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay bixitaanka 2,000 oo ka mid ah ciidamadooda ka hor taariikhdaas.

18-kii Sebtembar, waxa bilaabmay wajigii labaad, kaas oo la doonayey in la dhamaystiro oo ay ka baxaan 3,000 oo kale ka hor dhamaadka bisha.

Exit mobile version