Blog

Duufaanta El Niño: Webiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay degaano dhaca G. Shabeellaha Dhexe

JOWHAR, Soomaaliya – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in wabiga dhawaan ku soo fatahay deegaano dhowr ah ee ku yaala gobolkaas, taasoo saameyn weyn ku yeelatay dalaga ay tacbayeen beeraleyda halkaasi ku sugan sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah.

Khasaare baaxad leh ayaa ka dhashay daadadkan, iyadoo dadka deegaanka ay la daala dhacayaan abaaro iyo fatahaad oo is daba joog kuwaas oo saameeyay nolol maalmeedkoodi, waxayna abuurtay muujado qax ah oo ku wajahan magaalada Muqdisho.

Deegaanada oo saameeyay fatahaadka ayaa ka mid ah tuulooyin hoos taga magaalada Jowhar Xarunta Dowlad-Goboleedka Hirshabelle iyo degmada Mahadaay, waxaana laga cabsi qabaa inuu ku sii fido deegaano ku teedsan jiinka wabiga Shabeele.

Dadka deeganka ayaa ilaa haatan wax kaalmo ah oo la taaban karo ka helin Hirshabelle, iyadoo Wasiir ku xigeenka wasaaradda maareynta Masiibooyinka ee maamulkaasi Cumar Gaabow uu sheegay in doorkooda oo ku kooban yahay “isku xirka hay’adaha samafalka iyo dadka deegaanka”.

Dhibaatadan ayaa imaaneysa xilli laga digayo duufaanta El Niño ee ku soo wajahan dhamaan gobolada dalka, taas oo wadata roobab xooggan oo daadad ka dhalan kara sida ku xusan warqad ay soo saartay hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA.

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray degmada Mahadaay

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed  gaashaanle sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa gaaray deegaanka Cali Fooldheere oo hoostaga degmadda Mahadaay ee gobolka Shabeelah dhexe, waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha qaybta 27 aad G/sare Faarax Cali Waasuge iyo Saraakiil kale.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa kulamo lagu dardar gelinayo dagaalka Khawaarijta la qaatay Saraakiisha Ciidanka, iyadda oo Argagixisada ay ku go’doon santahay deegaanka Ciid Ciid-ka ee gobalka Shabeelaha dhexe.

Taliyaha ciidanka dhulka xogga dalka Soomaliyeed G/sare Dayax Cabdi Cabddulle oo dhawaan uu Magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan gobolka Shabeelaha dhexe ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Guud ahaan gobollada dalka gaar ahaan gobolka Shabeelaha dhexe waxaa ka socda dagaal ka dhan ah Al Shabaab, kaas uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Hindiya oo u sheegtay Kanada inay la baxdo 41 dublamaasiyiin sababo la xiriira xiisada dilkii Sikh

Hindiya ayaa u sheegtay Canada inay waajib ku tahay inay dib u ceshato 41 dublamaasiyiinteeda dalkaasi marka la gaaro 10ka Oktoobar, sida uu sheegay wargeyska Financial Times.

Xidhiidhka u dhexeeya Hindiya iyo Kanada ayaa sii xumaaday tuhunka Kanada ee ah in sirdoonka dawladda Hindiya ay door ku lahaayeen dilkii bishii Juun ka dhacay gobalka Columbia ee dalka Kanada, oo lagu dilay hoggaamiyihii gooni u goosadka Sikh oo sidoo kale ahaa muwaadin reer Kanada.

Dilka Hardeep Singh Nijjar ayaa lagu eedeenayaa dowlada India, oo horey ninkaasi u aqoonsatay inuu yahay “argagixiso”, ninkaasi ayaa u ololeyn jiray dhismaha dowlada Khalistan, oo ah dawlad madaxbanaan oo ay leeyihiin dadka heysta diinta Sikha ee ku nool India.

Maxkamadeynta Musuq-Maasuqa Trump iyo ganacsigiisa oo khatar ku jira

Isniintii shalay ayey bilaabatay dhageysiga dacwada musuq maasuqa ah ee loo heysto shirkadaha iyo ganacsiga Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump.

Dacwad oogayaasha iyo Qareenada difaaca Trump ayaa hadalkoodii ugu horreeyay soo jeediyey dacwadan ku saabsan musuqmaasuqa madaniga ah oo diiradda lagu saarayo dhaqdhaqaaqyada hantida Donald Trump iyo ganacsigiisa.

Nuxurka dacwada ayaa ah in Donald Trump iyo shirkadihiisa ay si weyn u buunbuuniyeen qiimaha hantidiisa ma-guurtada ah si ay u helaan Deynmo badan oo aysan xaq u lahayn, arrintaasi oo ah sharci daro.

rump oo kasoo qeyb galay dhageysiga dacwada ayaa weerar ku qaaday xeer illaalinta dacwada soo oogay ee New York iyo waliba Garsooraha Maxkamada oo uu sheegay inaysan dhex dhexaad ahayn.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee New York, Letitia James ayaa codsaneysa in ugu yaraan $250 milyan oo ganaax ah la duldhigo Trump, isla markaana Trump iyo wiilashiisa Donald Jr iyo Eric aysan dib danbe shirkado ganacsi ka sameysan karin New York iyo xayiraad ganacsi oo shan sano ah oo ka dhan ah Trump iyo Ururka Trump.

Dambiyada ay geysanayaan kooxaha burcadka ah oo ku sii badanaya dalka Sweden

STOCKHOLM – Dowladda Sweden ayaa sheegtay in ay Ciidamada fursad u siin doonto si ay uga caawiyaan booliska sugida amniga iyo ka hortaga falalka dambi ee dhawaanahan ku sii fidaya dalka, kaas oo ay ku dhinteen 12 qof bishii September oo kaliya.

Dilka ayaa noqday mid si maalinla ah uga dhaca dalkaas, iyadoo inta badan falalkaasi ay geystaan ​​kooxo burcad ah oo ka kooban tiro dhalinyaro ah.

Sharciga Sweden ayaa hadda mamnuucaya in ciidamadu ay ka caawiyaan booliiska xaalad kasta oo ay lagama maarmaan tahay in loo isticmaalo xoog, marka laga reebo weerarada argagixisada.

Ka dib kulan uu la qaatay taliyayaasha ciidamada booliska iyo kuwa qalabka sida, Ra’iisul Wasaare Ulf Kristjersson ayaa sheegay in ciidamada iyo booliska ay si rasmi ah uga wada hadli doonaan hababka ay ku wada shaqeyn lahaayeen.

Dawladdu waxay sidoo kale tixgelin in wax ka badal lagu sameeyo sharciga si ay u ballaariso baaxadda xaaladaha ay booliisku ku codsan karaan kaalmo milatari, inlastoo aan wax faahfaahin wali laga bixin.

Madaxweynaha Faransiiska oo ka hadlay dib usoo celinta ciidamadiisa ee Niger

NIAMEY – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa xaqiijiyay in dib u soo celinta ciidamada Faransiiska ee dalka Niger ay ku dhici doonto oo kaliya codsi ka yimaada madaxweynihii xilka laga tuuray Maxamed Bazoum.

Waxa uu sheegay intii lagu guda jiray shir jaraa’id uu qabtay: “Haddii aan sameyno wax dib-u-dejin ah, waxaan ku sameyn doonaa oo kaliya codsi ka yimaada Madaxweyne Bazoum.

Hogaamiyayaasha afgambiga Niger ayaa ku eedeeyay Faransiiska inuu abaabulayo ciidamadiisa millatari ee ku sugan dhowr waddan oo deriska ah kuwaas oo dhaca Galbeedka Afrika si ay ugu diyaar garoobaan faragelin militari ay ku sameynayaan dalka Niger.

Wadamada ATMIS oo taageeray Codsiga Soomaaliya ee ku aadan hakinta bixitaanka Ciidamadooda

NAIROBI – Dowladaha Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda iyo Burundi oo ay ciidamo nabad ilaalin ah ka joogaan Soomaaliya ayaa sheegay in ay taageersan yihiin codsigii Soomaaliya ee ahaa in si KMG ah loo hakiyo dhimista ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalkan ayaa warqad u diray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo madaxa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyagoo ku xusay inay ka go’an tahay xaqiijinta xasilloonida Soomaaliya.

Warqadda ayaa lagu sheegay baahida loo qabo in Soomaaliya ay hesho ciidamo ku filan oo hanan kara mas’uuliyadda amniga.

Go’aanka lagu taageeray joojinta shaqada ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah oo Al-Shabaab ay sii kordhayaan weerarada ay ku qaadayaan xarumaha ciidamada iyo magaalooyinka laga qabsaday.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka faalla qaaday waxbarashada gabdho agoon ah

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) ayaa maanta ka faalla qaaday waxbarashada 173 gabdhood oo agoon ah, kuwaas oo wax barta School-ka ummu Mu’miniin Caa’isha ee ku yaala degmada Xamarweyne.

Gudoomiyaha ayaa go’aankan gaaray ka dib kormeer uu ku tagay School-ka ummu Mu’miniin Caa’isha halkaas uu ku kala kulmay ardayda iskuulka iyo maamulkaba.

Guddoomiyaha ayaa seegay in uu had iyo jeer garab taagan yahay barnaamij kaste oo lagu horumarinayo nolasha caruurta Soomaaliyeed ee agoonta ah.

Waxaa Guddoomiye Madaale ku wehliyay kormeerka Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan iyo Aggaasimaha Waaxda horumarinta ageegyada waxbarashada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdi Cujub.

Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyay go’aamadii Xildhibaanada Awdal

HARGEYSA, Soomaaliya – Golaha wakiilada Somaliland ayaa ansixiyeen maanta go’aamo dhowr ah oo ay soo jeediyeen Xildhibaanada baarlamaanka ee metelaya gobolka Awdal. Go’aamadan ayaa ujeedadoodu tahay in lagu xalliyo tabashooyinka kala duwan ee la xiriira dastuurka, awood qaybsiga, mashaariicda horumarineed iyo hababka doorashooyinka ee Somaliland.

Xildhibaanada reer Awdal waxay go’aanadooda ku iftiimiyeen dhawr qodob oo muhiim ah. Qodobadaas ayaa ka mid ah in si degdeg ah wax looga qabto saami-qaybsiga awoodeed, waxayna ku baaqeen in dib u eegis dhab ah lagu sameeyo dastuurka si loo muujiyo mabda’an.

Golaha Wakiiladda ayaana cod aqlabiyad ah ku ansixiyay go’aammadan, taasoo muujinaysa in la isku raacay in wax laga qabto tabashooyinka ka soo yeeray gobolka Awdal.

Dhanka kale, Muuse Biixi ayaa loogu baaqay inuu dib u eegis ku sameeyo saami-qaybsiga xukuumadda, isla markaana uu qaado tallaabooyin lagu kordhinayo tirada goobaha codbixinta ee gobolka Awdal.

Hay’adda NISA oo qabatey madaxii iibka saanadda ee al-Shabaab

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa soo qabatey nin ku eedeysan in uu al-Shabaab u soo iibin jirey hubka, raanada iyo waxyaabaha qaraxa laga sameeyo.

Ninkan ayaa lagu magacaabaa Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh waa 28 jir Soomaali ah, waxaa in muddo ah dabagal ku heysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, waxaana ugu dambeyn suurto-gal noqotay in Hay’adda NISA gacanta kusoo dhigto xilli uu qorshaynayay in uu u baxsado deegaanada al-Shabaab ka taliyaan.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtey in Sakariye uu ahaa maskaxdii ugu weyneyd koox isku xiran oo dalka banaankiisa kasoo iibisey saanad ciidan oo loo waday argagixisada al-Shabaab, laguna soo dhex-qariyay alaab ganacsi loo wadey bishii May ee sanadkan ciidanka amaanka ayaa ku qabtey saanadda alaabta lagu soo dhex qariyey dekadda weyn ee Muqdisho iyo weliba garoonka diyaaradaha. Warbaahinta SNTV ayaa sheegtey in dhawaan maxkamad la soo saari doono.

Ururka al-Shabaab ayaa muddo dheer dagaal kula jirey dowladda Soomaaliya oo ay u dagaalamayaan in ay meesha ka saaraan. Soomaaliya waxaa saaran cunno qabateyn hubka ah, inkasta oo kooxaha argagixisadu ay weli banaanka kala yimaadaan hubka iyo saanada.

Exit mobile version