Israa’iil oo duqeysay suxufiyiin ku sugnaa Xaduuda Lubnaan

Suxufiga weerarkan lagu dilay ayaa ahaa sawir-qaade ka tirsan Reuters. Sidoo kale 6 kamid ah suxufiyiinta oo uu dhaawacyo kala duwan soo gaaray ayaa la dhigay isbitaalka.

Duqeynta fiidnimadii Jimcaha ka dhacay Lubnaan ayaa la sheegay inay geysteen Taangiyada Israa’iil ee ku sugan xaduuda Lubnaan oo ay maanta ka dhacday duqeynmo ay is-dhaafsadeen Xisbullah iyo Israel.

Suxufiyiinta Aljazeera ayaa gaarigii ay saarnaayeen ku dhacay madfac Taangi, gaarigaasi oo gebi ahaan gubtay, weerarkan oo ahaa mid si bareer ah loogu bartilmaamsaday suxufiyiinta caalamiga ah, sida ay sheegeen suxufiyiinta weerarkan ka badbaaday.

Xaalada Xaduuda Lubnaan iyo Israa’iil ayaa kacsan xili kooxda Xisbullah ee fadhigeedu yahay dalka Lubnaan ay sheegtay inaysan gacmaha ka laaban doonin dagaalkan hadii Israel sii wado xasuuqa Gaza.

Khudbadii Madaxweynaha Puntland: “Guddiga doorashada ayaa laga sugayaa jadwalka doorashada”

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa jeediyey khudbad horey loo duubey oo socotey 24 daqiiqo. Madaxweynaha ayaa ka hadley taariikhda Puntland, doorashooyinkii laga qabtey 30 degmo, kadibna waxa uu sheegay halka laga aadayo.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in mar kale aanu isagu dooneyn muddo kororsi kudhisan sharci darro, sidaas darteed doorashada la qabanaayo ay noqon doonto mid qof iyo cod ah, lagu gelaayo 8 Xisbi taas oo la soo dooranaayo 66 Xildhibaan. Sidoo kale waxa uu sheegay in doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu ay noqon doonaan qof iyo cod lana qaban doono inta muddo xileedkiisa uu ku jiro.

Madaxwenaha ayaa sheeay in jadwalka doorashada laga sugaayo guddiga doorashooyinka ee PEC.

“….Guddiga doorashooyinka waan la kulmey shaqo wanaagsan ayey qabteen, waxaana laga sugayaa jadwalkii doorashada, waxkasta oo ay keenaan ayaan ku taageerayaa ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Dadka ka faalooda siyaasadda Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynuhu afkiisa ka dheereeyey muddo kororsi, laakiin shaqada la qabanaayo aysan sinaba macquul u ahayn in la qabto, sidaas darteed waxa uu mindida u dhiibey PEC>

Waxaa si weyn la isugu diidan yahay dhismaha gyddiga doorashada ee PEC oo u badan kuwo Xisbiga KAAH soo xuleen, sidoo kale waxaa la beddeley dastuurkii lagu geli lahaa doorashada iyada oo qodobo masiiri ah la bedalay sida in dalka baarlamaani laga beddelo, sidoo kale waxaa la abuurey Xisbiyo aan haysan aqlabiyadda shacabka iyada oo qaar kamid ah degmooyinka muhimka ah aysan doorasho ka dhicin oo xisbiyadu ku lahayn metalaad.

Mucaaradka ayaa isla caawa soo saarey war saxaafadeed waxaana ay sheegeen in aysan aqoonsaneyn PEC, sidoo kale aysan aqoonsaneyn wax ka beddelka sharci darada ah ee dastuurka, wxii dhbaato ah ee ka dacana masuuliyadeeda uu qaadi doono Madaxweyne Deni.

Faransiiska oo bilaabay inuu isaga baxo Niger

Faransiiska ayaa bilaabay in uu ciidamadiisa kala baxo dalka Niger kadib markii ay amar ku bixiyeen hogaamiyayaasha Militariga dalkaasi, xilli ay dowlada Maraykanka ay Talaadadii shalay shaacisay inay jartay lacagtii ay siin jirtay dowlada Niger oo gaaraysa 500 oo milyan oo doolar oo loogu talagalay la dagaalanka kooxaha xagjirka ah.

Maraykanka, oo ay weheliyaan dalalka reer galbeedka oo uu Faransiiska ku jiro, ayaa ku cadaadinayey milateriga Niger sidii loo soo celin lahaa madaxweynihii la inqilaabay bishii Luulyo, Maxamed Bazoum.

Maraykanka ayaa sheegay in ciidamadooda ka jooga dalka Niger oo gaaraya 1,000 askari ay halkaasi sii joogi doonaan, balse hadda ma sameeyaan tababarka ama caawinta ciidamada Niger.

Dhulgariir labaad oo ku dhuftay dalka Afgaanistaan

Dhulgariir kale oo xooggan ayaa subaxnimadii Arbacada ku dhuftey qayb ka mid ah galbeedka Afgaanistaan ka dib markii dhulgariir hore uu dilay in ka badan 2,000 oo qof.

Dhulgariirkii ugu dambeeyay oo cabirkiisu ahaa 6.3 ayaa ka dhacay meel 28km u jirta magaalada Herat ee xarunta gobolka Herat.

Sabtidii lasoo dhaafay ayaa dhulgariir kale ku dhuftay gobalkaasi Herat, iyadoo weli dalkaasi la tacaalayo khasaarihii dhulgariirkaasi dhacay maalmo kahor oo ay ku dhinteen 2000 qof, halka ay ku dhaawacmeen kumanaan kale.

Illaa iyo hada macada khasaaraha dhulgariirka maanta, balse inta badan tuulooyinka ku yaal deegaankaasi ayaa horey ugu burburay dhulgariirkii sabtidii.

Putin oo Mareykanka ku eedeeyey dagaalka Falastiin

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Maraykanka ku eedeeyey dagaalka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Falastiniyiinta iyo Israa’iil, hadalkiisii ugu horreeyay ee fagaare ah tan iyo markii bilowday dagaalka Gaza.

“Waxaan u maleynayaa in dad badan ay igu raaci doonaan in tani ay tusaale cad u tahay fashilka siyaasadda Mareykanka ee Bariga Dhexe,” Putin ayaa hadalkan ku dhawaaqay xili uu shalay kulan la yeelanayey Raysalwasaaraha Ciraaq Mohammed Shia’ Al-Sudani.

Putin iyo dhiggiisa Ciraaq ayaa ku kulmay magaalada Moscow si ay uga wadahadlaan khilaafka hadda u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Hadalada Putin waxaa kamid ahaa: Maraykanku wuxuu isku dayey in kaligiis looga danbeeyo xalka Falastiin, laakiin nasiib darro muusan keeni “Xal” ay aqbali karaan labada dhinac, balse Maraykanku waxa uu taageero buuxda u hayaa hal dhinac, isagoo aan wax tixgelin ah siineyn danaha aasaasiga ah ee Shacabka Falastiiniyiinta

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo xalay shir jaraa’iid qabtay ayaa markale ku dhawaaqay taageerada uu u hayo Israa’iil, isagoo sheegay in Maraykanka uu gurmad deg deg ah oo militari la gaari doono Israa’iil si ay isaga difaacaan Xamaas, Biden ayaan gebi ahaan soo hadal qaadin duqeynta Israa’iil ku wado Gaza iyo khasaaraha soo gaaray shacabka reer Falastiin.

Deni oo Xaaji Bakiin u magacaabey Wasiirka Amniga

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa manata wareegto uu soo saarey ku magacaabey wasiirka Amniga dowladda Puntland, waxaana uu u magacaabey oday muddo dheer soo shaqeeyey Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin.

Wareegtada ayaa lagu yiri:

“Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Wuxuu xeeriyey: in Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bikiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDRTA Dowladda Puntland”.

Xilka wasiirka amniga Puntland ayaa banaanaa muddo aad u dheer kadib markii uu isaga tegey Wasiirkii hore Cabdisamad Gallan.

Muddo xileedkii Xukuumadda Madaxweyne Deni waxaa ka harsan muddo aad u yar.

WAR MURTIYEEDKA SHIRKII MUCAARADKA PUNTLAND

Waxaa maanta la soo gebagebeeyey shirkii Mucaaradka Puntland, kaas oo ay ka so baxeen todoba qodob oo ay ka mid yihiin, wax ka beddelkii dastuurka, sida loo qabanaayo doorashada soo socota iyo qodoba kale, hoos ka akhri war murtiyeedka.

Taarikh: 11/Oct/2023
WARMURTIYEED:

Shir wadatashi oo ay isugu yimaadeen mucaaradka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, socdayna 10-11 Octoobar 2023 kana dhacay Caasumada Puntland ee Garowe, ayaa waxaa lagu lafo guray xaaladaha qalafsan ee Puntland soo foodsaaray, ayna ka midyihiin: arrimaha siyaasada, Aminga, Dhaqaalaha, Dastuurka iyo Dimugraadiyada, iyo arimaha doorashada Puntland ee 2024.

Falanqeyn dheer ka dib waxaa ka soo baxay qodabadaan soo socda:

  1. Markii shirku falaanqeyn iyo u kuur gelid dheer ku sameeyey arrimaha siyaasadda Puntland, waxqabadka iyo waajibaadkii shaqo ee xukuumadda loo igmaday, waxaa xaqiiqo noqotay inay labadii sano ee ugu dambeysey ka gaabisay waajibaadkeedii fadhiidna ay noqotay wax adeeg bulsho ahna aaney qaban; waxay Puntland gashay go’doon siyaasadeed oo heer qaran iyo heer caalami ah; xiriirka xumaaday ee Puntland iyo Dawladda Federaalka waa mid ku dhisan dano shakhsi taasoo saamayn taban ku yeelatay mashaariicdii horumarineed ee lafdhabarta u ahaa hormarka bulshada Puntland. Waxaa sidoo kale shirku garwaaqsaday in hannaankii Dawladnimo ee is-dheeli tirayey uu ku ururay gacanta madaxweynaha isla markaana siyaasadda xukuumadu ay ahayd mid ku dhisan kala irdheyn iyo kala qaybinta bulshada Puntland; kala aragti-duwanaan kastana ay kaga falceliso qori caaradiis taasoo keentay khasaare nafeed iyo mid maal.
  2. Shirku wuxuu si qoto dheer u daraaseeyey arrimaha amniga Puntland, waxaana u soo baxday inay xukuumaddu ku guuldaraysatay inay wax ka qabato dhibaatooyinka ay ururada xagjirka ahi ku hayaan amniga, ganacsatada, iyo dhaqaalaha; noocyada maandooriyayaasha oo ah aafo wadanka baabi’inaysaa; qulqulka ajaaniibta oo qayb ka ah dhibaatooyinka amni iyo keenidda mukhaadaraadka. Waxaa sidoo kale shirku garwaaqsaday in ay ahayd nasiib darro laga baaqsan karey dagaaladdii ka dhacay Bosaso, Garowe iyo Galkacyo, taasoo la isaga horkeenay ciidamadii lafdhabarta u ahaa Puntland ee Difaaca kuwada jiray
  3. Shirku wuxuu si xeel-dheer u daraaseeyey arrimaha dhaqaalaha Puntland waxaana xaqiiqa ah inuu jiro dhaqaale burbur bulsho oo baahsan kaas oo ay sal u tahay: ku tarkifalka dakhliga dawladda iyo deeqaha caalamiga ah oo danno gaar ah loo isticmaalo, lacagaha ay ururadda xagjirka ahi ka qaadaan ganacsatada iyo hay’addaha ilaalinta maaliyadda oo ka gaabiyey doorkoodii kadibna ay xukuumaddu ku guuldaraysatay inay bixiso xuquuqdii dastuuriga ahayd ee shaqaalaha iyo ciidamadda.
  4. Shirku wuxuu si qoto dheer uga dooday arrimaha dastuurka iyo dimuqraadiyadda Puntland, waxaana u so baxday in dastuurkii iyo xeerarkii kale ee Puntland u yaaley lagu xadgudbey si mas’uuliyad darro ah, in garsoorka, Barlamaanka iyo xukuumadu isku xafiis noqdeen, in madax banaani la’aanta Gudoonka Maxkamadda Dastuuriga ahi keentay niyad jab iyo kalsooni xumo ka dib markii ay ku guul darreysteen dhegaysiga iyo go’aan ka gaarista dacwadihii la horkeenay, Marin habaabinta iyo musuqmaasuqa lagu sameeyey nidaamkii dimuqraadiyadda ee xisbiyada badan, kaasoo markii horeba ujeedka Madaxweynuhu ka lahaa ay ahayd marin habaabin bulsho, falkinta farsamo u sahli karta sii joogidda kursiga iyo muddo kororsi.
  5. Shirku wuxu daraasad dheer ku sameeyey arrimaha ku gedaaman siyaasadda cakiran ee doorashada Puntland 2024 iyo hubanti la’aanta qabsoomidda doorashada, taasoo ay saldhig u tahay damaca aan maangalka ahayn ee madaxweynaha, waxaana muuqata in aanu madaxweynuhu mas’uuliyad iska saareyn sidii ay ku qabsoomi lahayd doorasho hufan, wadar oggol ah, ku qabsoonta wakhtigeedii nabadna ku dhacda.

Sidaas darteed, shirku markuu xaqiiqsaday jiritaanka dhammaan arrimaha kor ku xusan ee laga dooday, waxaana la isla qaatay in laga hortago burbur siyaasadeed iyo mid amni oo ku yimaada Puntland, waxaana shirka kasoo baxay qodobadaan soo socda:

  1. Waxka bedelka Dastuurka lagu sameeyey looma marin habraaca uu tilmaamayo Dastuurku, sidaa darteed laguma dhaqmi karo.
  2. Wuxuu shirku go’aamiyey in aanay Puntland muddo kororsi ka dhici karin, taas oo aan ognahay wixii laga soo maray.
  3. Maadaama mudada xil haynta ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda ay ka harsan tahay muddo kooban, waxaa shirku isku raacay in doorashada keli ah la qaban karaa ay tahay 66dii xildhibaan ee beeluhu soo xulan jireen.
  4. Shirku wuxuu Isimadda Puntland ugu baaqayaa inay doorkoodii shariifka ahaa qaataan soona xulaan xubnihii Baarlaamaanka sida ugu dhakhsaha badan.
  5. Shirku wuxuu soo jeediyey haddii Dowladdu qaadan weydo doorkii fududeynta doorashada in uusan dalku firaaq Dastuuri ah geli doonin.
  6. Shirku wuxuu bogaadinayaa halgankii iyo guushii bulshada SSC-khaatumo, wuxuuna soo jeedinayaa in la tixgeliyo rabitaanka bulshada SSC-khaatumo, waxaana bulshada kale ee Puntland ku boorineynaa inay laba-laaban taageeradii naf iyo maalba lahayd ee ay la garabtaanaayeen walaalohood.
  7. Shirku wuxuu bogaadinayaa dagaalka lagula jiro argagaxisada kaas oo ay hogaaminayso Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn shirka wuxuu isku raacay dhisadda Dalladda Mucaaradka Puntland oo kooban:

  1. Madasha Siyaasadda ee Puntland
  2. Golaha Siyaasadda ee Badbaado
  3. Golaha Sarreynta Sharciga
  4. Madasha Samatabixinta Puntland
  5. Urur Siyaasadeedka Dhalinyarada
  6. Urur Siyaasadeedka Mideeye
  7. Urur Siyaasadeedka Horseed
  8. Midowga Musharaxiinta Puntland
    -DHAMAAD-

Firdhiye oo Muqdisho ku wajahan

LAASCAANO, Soomaaliya – Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali”Firdhiye” ayaa kusoo wajahan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Firdhiye ayaa waxaa Casuumaada u fidiyay ra’iisul wasaare, Xamse Cabdi Barre.

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa u muuqda mid xiriir wanaagsan la yeelanaya dowlada federaalka Soomaaliya.

Golaha sare ee dhaqanka ee SSC-Khaatumo ayaa horey u tagay Muqdisho iyaga oo wada-Hadalo la yeeshay hogaanka dowlada federaalka Soomaaliya

Gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa aad ugu hamuun qaba horumarka iyo Adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo dib u dhismaha kaabayaasha ay colaadu saamaysay.

Gabadhii la hilmaami waayay: Faadumo Yuusuf Cawil

AASCAANO, Soomaaliya – Duqeymaha aan kala joogsiga ee sideedii bil ee lasoo dhaafay ciidamada Somaliland ay ku wadeen Laascaanood ayaa galaaftay nolosha boqolaal rayid ah kuwaasi oo la diiwaan-geliyay in ka badan 500 oo qof.

Faadumo Yuusuf Cawil ayaa kamid ah dhibanayaasha aanay taariikhdu marna hilmaami doonin iyada oo duubaysa Madfac ciidamada Somaliland ay gurgooda kusoo garaaceen ayaa mid kale ku dhacay halkaasi ayayna ku geeriyootay.

Tan ayaa kamid ah dhacdooyinka lagu tilmaamay kuwo aan Soomaali horey uga dhex dhicin balse laga diiwaan geliyay Laascaanood iyada oo ay ka qaxeen mudadaasi magaalada rayid kor u dhaafacaya labo boqol kun oo qof.

Dowlada federaalka Soomaaliya iyo Hay’addaha caalamiga ah ayaan wali baaritaan rasmi ah ku bilaabin dhacdooyinkii Laascaanood iyada oo ay suurtagal tahay in maamulka SSC-Khaatumo uu dalbado baaritaan caalami ah oo madax banaan walaw ilaa hadda aysan iyagu ku dhawaaqin.

Masuuliyiin ka tirsan golaha sare ee dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa horey tilaabadaas uga dhawaajiyay walaw aan la ogayn wakhtigeeda.

Congresska Maraykanka oo casilay Gudoomiyahoodi

WASHINGTON – Aqalka golaha sharci dajiyayaasha Maraykanka ee Congresska ayaa xilkii ka xayuubiyay Kevin McCarthy oo ahaa gudoomiyaha golahaasi.

Tan ayaa ah markii koowaad ee taariikhda Maraykanka uu Barlamaanku xilka ka xayuubiyo hogaamiyahooda.

116 xubnood ayaa kala laabtay codka Kalsoonida halka 110 xubnood ay doonayeen in uu sii hogaamiyo Congresska xubintaan dimuqraadiga ah.

Congresska ayaa gudoomiye kumeel gaar ah u doortay xildhibaanka dimuqraadiga ah, Patrick McHenry oo kaasi oo laga soo doorto gobalka North Carolina isla markaana xubin ka ahaa golaha tan iyo 2005.

Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden ayaa sheegay in uu Confresska kala shaqaynayo in ay doortaan hogaankooda.

Xisbiga Dimuqraadiga oo haysta Aqlabiyada labada aqal ayaa ka fakaraya qofka ay u sharaxaan hogaanka Congresska iyada oo haatan ay soo baxayaan magacyada dhawr qof.

Exit mobile version