Daawo: Ma’suuliyiin shaaciyay in loo soo aargudi doono reer Beledweyne

Xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo xalay garoonka Aadan Cadde ugu tegay dhaawacyadii laga soo qaaday magaalada Beledweyne ayaa ka hadlay weerarkii is-miidaaminta ee kooxda Al-Shabaab.

Xoghayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Faysal Caraale oo kamid ah mas’uuliyiinta meesha ka hadlay, kana soo jeedo gobolka Hiiraan ayaa wacad ku maray in loo soo aari doono dhamaan dadkii shacabka ahaa ee shalay lagu dhibaateeyay Beledweyn.

“Nimanka Khawaarijta ficilada ay sameynayaan waxaan ka qaadeynaa ad-adeeg iyo inaan usoo aarno dadkaas shacabka ah, waana loo soo aaraayaa” ayuu yiri xoghayuhu.

Faysal Caraale ayaa sidoo kale farriin u diray reer Beledweyne, wuxuuna ugu baaqay inay jawaab deg-deg ah ka bixiyaan weerarkii shalay ka dhacay magaaladaasi.

“Waxaan rajeynayaa in dhaawacyada la keenay, ayaga oo caafimaad qaba inay laaban doonaan nimankii Khawaarijta ahaa ee dhibkaan gaarsiiyay ayaga oo aan waxba galabsan inay kasoo aarsan doonaan, dadka kale ee Beledweyne joogana way usoo aari doonaan” ayuu mar kale yiri Xoghayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir, Faysal Caraale.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Waxaa naga go’an oo aan habeen iyo maalin u taagnaan doonaa haddii uu illaah yiraahod nimankaas Khawaarijta ah oo Muslimka dhibay in gacmaha lagu cadaabo”.

Dhankiisa xildhibaan Maxamuud Cabduqaadir Jeego oo kamid ah xildhibaanada ka hadlay meesha ayaa sheegay inuu sii dhacayo gabalka Al-Shabaab, wuxuuna ugu baaqay shacabka reer Hiiraan inay sii wadaan halgankooda, ayna la dagaalamaan kooxda.

“Khawaarijta waa laga adkaaday,Waqtigodana waa dhamaday Shacabka Baladweynow sidaad Argagixisada iskaga celiseen,iskaga celiya dadka cadowga gudaha Magaalada u joogo.” ayuu isna yiri Xildhibaan Maxamuud Cabduqaadir Jeego.

Si kastaba, Hiiraan ayaa kamid ah meelaha sida weyn loogu jebiyay Al-Shabaab, waxayna taas keentay in kooxdu bartilmaameed ka dhigato magaalada Beledweyne oo noqotay goobta labaad ee ugu qaraxyada badan marka laga yimaado magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Mali oo ka digtay in fargelin militari lagu sameeyo dalka Niger

RABAT, Morocco – Ra’iisul Wasaaraha Morocco Aziz Akhannouch ayaa Sabtidii booqday dhowr goobood oo uu saameeyay dhulgariirkii Al Haouz.

Akhannouch ayaa sheegay in dowladdu ay ka shaqeyn doonto sidii dib u dhis iyo dayactir loogu sameyn lahaa dugsiyo, isbitaallo iyo xarumo muhiim ah oo dhul-gariirku waxyeeleeyay, muddo sanad gudaheed ah. ama sannad iyo bar.

Ra’iisul Wasaaraha Morocco ayaa khudbad uu u jeediyay shacabka ku dhaqan mid ka mid ah degmooyinka Al Haouz ku micneeyay socdaalkiisa kormeerka ah ee uu ku tagay gobolka, in ay dib u dhis ku sameyn doonaan dhismayaasha dhul-gariirkii ku burburay, isla markaana dadaallada hadda socda ay diiradda saarayaan sidii dib loogu gurman lahaa dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirka.

Masar oo sheegtay in Itoobiya ay ku fogaatay buuxinta Biyo Xireenka Renaissance

NEW YORK, Maraykanka – Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Sameh Shoukry ayaa sheegay in Itoobiya ay aad uga fogaatay buuxinta iyo ka shaqaynta biyo xireenka “Renaissance Dam”.

Hadalka Sameh Shoukry ayaa yimid intii lagu guda jiray khudbadii Masar ee ka hortimid Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee kalfadhigii 78-aad Sabtidii.

Shukri ayaa yiri, “Itoobiya waxay ku xad gudubtay sharciga caalamiga ah iyo heshiiska mabaadi’da ee la saxiixay 2015.” Wuxuu intaas raaciyay: “Waan diidnay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo lagu maareynayo kheyraadka biyaha xudduudaha isaga gudba, oo uu ku jiro biyo xireenka Renaissance.

Wasiirka Masar ayaa sheegay in dalkiisu uu wajahayo xaalad biyo la’aaneed oo aad u daran, maadaama Masar ay kaalinta koowaad kaga jirto liiska dalalka biyo yari ka jirto, maadaama uu yahay dalka ugu roobka yar marka loo eego dalalka caalamka.

Sawirro: Wararkii ugu dambeeyay howlgallada ka socda SH/DHEXE

Aadan-Yabaal (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka ayaa maanta howlgallo culus ka wada aagga degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howlgalladan oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa fulinaya ciidanka qaybta 26-aad ee ilaalo qaran, kuwaas oo isku fidiyay howdka u dhexeeya Daaru nimca iyo Ruun-Nirgood.

Ciidamada ayaa burburiyay goobo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen oo ku yaalla halkaasi, sida uu shaaciyay taliyaha guutada Gumac oo hoggaaminaya howlgalladaasi.

“Waxay ciidanku bur buriyeen goobo ay maleeshiyaadka khawaarijta gabaad ka dhiganayeen si ay isugu aruursadaan dhulka howdka ah, kalana eriyeen maleeshiyaadkii isku aruursanyay halkaasi” ayuu yiri taliye Sayid Cali Cabdi Cadaawe.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee ilaalo qaran gaar ahaan guutada Gumac ayaa weli wada baacsiga maleeshiyaadkii ku dhuumaalaysanay dhulka howdka ah”

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo la gaarsiiyay Kooxda Al-Shabaab, inkastoo uusan soo bandhigay tiro rasmi ah

Dhanka kale, waxaa weli duqeymo iyo howlgallo ay ka socdaan aagga degmada Mahadaay, halkaas oo lagu go’doomiyay xubno ka tirsan Shabaab oo kasoo gudbay wabiga Shabelle.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladan ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

HirShabelle iyo Galmudug ayaa waxaa hadda ka socda gulufkii ugu xooganaa oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

Shabaab fuli rabay weerar culus oo galabta lagu laayey gobolka Mudug

owladda Soomaaliya ayaa shaacisay in khadaare culus maanta Shabaab lagu gaarsiiyey howlgal ka dhacay aagga deegaanka Shabeelow ee gobolka Mudug, halkaas oo lagu baacsaday koox loo diyaarinayey inay weerar fuliyaan.

“In ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal maanta ciidanka xoogga uu ka sameeyey Koofurta Mudug,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowladda.

Howgalkaan oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka iyo ciidamada xoogga dalka ayaa ka dhacay dhulka howdka ah ee deegaanka Shabeellow oo dhaca koofurta gobolka Mudug, kana mid ah deegaanadii dhawaan laga xoreeyey kooxda.

Al-Shabaab-ka la laayey ayaa lagu beegsaday xarumo ay ku lahaayeen dhulka howdka ahee deegaankaas, waxaana kooxda howlgalkaas ka soo gaaray Khasaare xoog leh.

Sida ay sheegtay dowladdu howlgalka ayaa lagu burburiyey xarumo ay Shabaab ku lahaayeen hoobaha ay iska soo abaabulayeen, waxaana xubnaha la dilay ka mid ah saraakiil sare oo Shabaab ah, inkastoo aan weli la ogaan magacyadooda.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Axmed Macalin Fiqi oo ku sugan koonfurta gobolka Mudug ayaa sheegay in maanta jabkii ugu weynaa kooxda loogu geystay gobolkaas.

Koofurta gobolka Mudug galabtey 6 goobood oo ay Khawaarijtu maleeshiyoodkooda kala firxaday ku abaabulayeen si weyn  ayaa loo duqeeyey, dhamaan maleeshiyeedkii & gaadiidkoodiina dambas ayay isku bedeleen!” Ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Fiqi.

Kooxda Al-Shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay laga xoreeyey dhowr deegaan ayaa hada gobolka Mudug uga haray deegaano aad u yar, waxaana laga cabsi qabay inay soo qaadaan weerarro rogaal celis ah.

Balse maanta iyo shalay waxaa kooxda aad loogu beegsaday goobihii ay ka soo abaabulayeen weerarro u qorsheysnaa, waxaana laga laayey dagaalyahano aad u badan.

Golaha Niger oo dhaliilay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay

NIAMAY, Niger – Milatariga Niger oo xukunka la wareegay dabayaaqadii bishii Luulyo ayaa dhalleeceeyay Jimcihii “ficillada khiyaanada leh” ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, iyagoo ku eedeeyay “in uu carqaladeynayo” ka qaybgalka wakiilka Dalka Niger ku matalayo shirka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay. .

Taliska milatariga ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri, “Golah difaaca qaranka iyo jamhuuriyada Niger waxay ugu baaqayaan bulshada Caalamka inay markhaati ka noqdaan ficilada khiyaanada ah ee xoghayaha guud Qaramada Midoobay taas oo wiiqi doonta dadaal kasta oo lagu soo afjarayo qalalaasaha dalkeenna.

Goluhu ayaa sheegay in Guterres uu galay khalad, isagoo hor istaagay in Niger ay si buuxda uga qaybgasho kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Goluhu wuxuu bayaankiisa ku daray in Niger ay si adag u diidayso oo ay u cambaaraynayso faragelinta cad ee Guterres uu ku hayo arrimaha gudaha ee dawlad madax-bannaan.

Xamza iyo Antonio Guterres oo kawada hadlay xaaladda Soomaaliya

NEW YORK – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa kulan xasaasi ah la qaatay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Kulanka oo ku dhacay jawi wanaagsan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga ka dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa is weydaarsaday fikrado iyo xeelado wax looga qabanayo arrimaha xasaasiga ah ee u baahan in indhaha caalamka loo soo jeediyo. Meelaha ugu muhiimsan ee diiradda lagu saaray waxaa ka mid ah amniga, nabadda, horumarka, isbedelka cimilada, iyo kobac dhaqaale.

Ammaanka ayaa weli ah welwelka ugu weyn ee Soomaaliya, oo la daalaa dhacaya caqabado kala duwan oo ay ka mid yihiin argagixisada iyo xasilloonida. Intii uu socday kulanka ayaa Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre waxa uu ku nuux nuuxsaday in loo baahan yahay in la sii wado taageerada ay Qaramada Midoobay ka siiso xoojinta hay’adaha ammaanka ee Soomaaliya. Wuxuu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in deegaan xasiloon oo ammaan ah uu u leeyahay horumarka iyo xasilloonida dalka.

Nabadda iyo horumarka ayaa sidoo kale hormuud ka ahaa doodaha. Soomaaliya ayaa guulo wax ku ool ah ka gaartay safarka ay ugu jirto xasiloonida, waxaana labada mas’uul ay carabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo lana sii amba qaado dadaalladaas. Waxay ka wadahadleen hindisayaasha dib-u-heshiisiinta, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, iyo horumarinta helitaanka adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka, kuwaas oo dhammaantood lagama maarmaan u ah horumarka dalka.

Isbeddelka cimiladu waxa uu soo baxay sidii mawduuc kale oo muhiim ah oo wada hadal ah. Soomaaliya, si la mid ah dalal badan, ayaa wajaheysa saameynta xun ee isbedelka cimilada, oo ay ku jiraan abaaro iyo cunto yari. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ku nuux-nuux saday baahida loo qabo iskaashi caalami ah oo lagula dagaalamo caqabadahaas iyo la qabsiga cimilada isbedbedeshay. Waxa uu ka hadlay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ku dhaqanka dhaqamada waara iyo ilaalinta deegaanka.

Kobaca dhaqaaluhu wuxuu ahaa qodob muhiim ah oo xiiso leh intii uu socday kulanka. Madaxdu waxay sahmiyeen xeelado lagu horumarinayo kobac dhaqaale oo waara ee Soomaaliya. Tan waxaa ka mid ah soo jiidashada maalgashiga shisheeye, horumarinta warshadaha muhiimka ah, iyo kobcinta hal-abuurka ganacsiga. Qaramada Midoobay ayaa ballan qaaday in ay ka taageeri doonto abuurista jawi ku habboon horumarka dhaqaalaha.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa lagu muujiyay sida ay uga go’an tahay wax ka qabashada caqabadaha dhinacyada badan leh ee Soomaaliya horyaalla. Labada mas’uul ayaa isku raacay in wada shaqeyn xooggan oo dhexmarta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay lagama maarmaan u tahay sidii looga gudbi lahaa caqabadahaas iyo sidii loo gaari lahaa mustaqbal xasiloon, barwaaqo, iyo mustaqbal ammaan ah oo ay helaan shacabka Soomaaliyeed.

Iiraan & Jabuuti oo heshiiyay kadib khilaaf 7 sano soo jiitamayay

NEW YORK, Soomaaliya – Dowladaha Jabuuti iyo Iiraan ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in dib loo soo celiyay xiriirkooda diblomaasiyadeed todobo sano oo colaad ah ka dib.

Go’aankan ayaa yimid ka dib wada-hadallo magaalada New York ku dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf iyo dhiggiisa Iiraan, intii uu socday Kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Xuseen Caamir, ayaa xaqiijiyay warkan, wuxuuna muujiyay in la doonayo in la horumariyo xiriirka saaxiibtinimo iyo sare u qaadida iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ay ka faa’iideysanayaan muwaadiniinta labada dal.

Jabuuti ayaa xiriirka u jartay Iiraan kadib khilaaf dhex maray Sacuudiga iyo Iiraan, balse hadda Jabuuti waxay ku biirtay dalalka kale ee Carabta oo dib usoo celiyay xiriirkoodii diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Iiraan.

Soomaaliya oo codsatey in dib loo dhigo ka bixitiaanka Ciidamada ATMIS ee dalka

MUQDISHO, Soomaaliya – Soomaaliya ayaa ka codsatay Qaramada Midoobay in dib loo dhigo bixitaanka 3,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya kadib “dib u dhacyo waaweyn” oo ay kala kulmeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa ku codsaday warqad uu u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ku taariikheysneyd 19-kii September in ka bixitaanka loo qorsheeyay 30-ka September dib loo dhigo muddo 3 bilood ah, si ciidamada Soomaaliya ay fursad ugu helaan inay dib isugu aruursadaan.

Waxa uu intaa ku daray in weeraradii kooxda Al-Shabaab ay 26-kii bisha August ku qaadeen Gobolka Galgaduud sababay in Ciidamada Dowladda ay isaga baxaan magaalooyin dhowr ah oo ay dhawaan maamulayeen.

“Dhacdooyinkan aan la fileyn waxay culeys ku keeneen ciidamadeena milateriga, waxayna soo bandhigtay daciifnimada ka jirta furimaha hore ee dagaalka.” ayuu qoray La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya.

Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa lagu waday inuu fuliyo wejiga labaad ee ka bixitaanka Soomaaliya 30-ka bisha September, ka dib markii ay ciidamada ammaanka Soomaaliya ku wareejiyeen 7 Saldhig oo ay ku sugnaayeen, isla markaana ay la baxeen laba kun oo askri 30-kii bishii June.

Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay magaalada Beledweyn

BELEDWEYNE, Soomaaliya – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa goordhow waxaa ka dhacay qarax xooggan oo si weyn looga maqlay guud ahaan magaalada. Qaraxan ayaa ilaa haatan la shhaacin bartilmaameedkiisa ayaa geystasy Khasaare Nafeet iyo mid hantiyadeed.

Dadka deegaanka ayaa warinaya in gaari weyn oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa loo adeegsaday qaraxan waxuuna ka dhacay barta Koonatarool ee Horseed oo ku taalla nawaaxiga Warshada Cabitaanka Horseed ee Baladweyne.

Xaafadda Horseed ayaa caan ku ah maqaayadaha iyo goobaha ganacsiga waxaana Baraha bulshada la soo dhigay muuqaal muujinaya burburka baaxadda leh oo qaraxa ka dhashay.

Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay geerida in ka badan 20 qof oo ku dhimatay qaraxan, iyada oo laga cabsi qabo in tirada dhimashada ay sii kororto, halka ciidamada amaanka ay goobta uu qarxa ka dhacay ka sii wadaan baaritaano lagu ogaanayo baaxadda uu la’eg yahay khasaaraha.

Exit mobile version