Dallada Mucaaradka Puntland oo ka digey qorshaha madaxweyne Deni

Warsaxaafadeed ka soo baxay dallada mucaaradka Puntland hoos ka akhri:

Dallada Mucaaradka Puntland waxay bulshada la wadaageysaa khatarta iyo marin ahaabinta joogtada ah ee sidii looga bartay xukuumadda wakhtigeedu dhammaadka yahay ay dadka Puntland uga weecineyso waaqica jira iyo tubta toosan.

Waxaana marag madoonta ah in Madaxweynuhu xiriir la samaynayo deegaanada kala duwan ee Puntland isagoo ka codsanaya in ay taageeraan khudbadiisii caal-waaga ahayd, islamarkaana uu ku bixinaayo dhaqaale qabashada shirar uu bulshadda isaga horkeenayo, taasoo ay ka dhalatay inay hadalo xanaf leh hawada isu marinayaan bulsho magaalo ku wadanooli, halka taa bedelkeeda ay Mudnayd in uu ku bixiyo Mushaharaadka Shaqaalaha iyo ciidamada mushahar la’aanta ah muddada dheer.

Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu maalmahaan ku hawlan yahay abaabul ciidan si uu dagaal dalka u geliyo, waxaana taas caddayn u ah booqashadda xeryaha ciidanka sida: Taliska Ciidanka Daraawiishta ce 54aad, la kulanka saraakiisha ciidamadda ugu saraysa, gaar ahaan kuwa hawl- gelinta u qaabilsan iyo kuwa uu sida gaarka ah ugu kalsoon yahay.

Abaabulka colaadda uu wado madaxweynuhu waxay dadka reer Puntland xusuusinaysaa dagaaladdii uu ka ridey Boosaaso iyo Garoowe kuwaas geystey khasare aan weli laga soo kaban, waxayna arrintaan marag-madoonto u tahay sida madaxweynuhu u doonayo inuu xukunka ku joogo qori caaradiis muddo kororsina ku xalaalaysto.

Waxaan ku kalsoonahay in kalaqaybin bulsho iyo xukun maroorsi toona ahayn dariiq lagu najoxo ee ay tahay horseed guuldaro iyo fashil siyaasadeed, waana waddo maristeeda horay loo soo tijaabiyey oo aan la mahadin.

Dalladdu waxay bogaadineysaa soona dhoweyneysaa baaqyada ka soo yeeraya waxgaradka Puntland ee masuuliyadda iyo fariinta wanaagsan xanbaarsan.

DHAMAAD

Wasiir ku-xigeen caddaaladda iyo dastuurka oo iska casiley xukuumadda Puntland

Wasiir ku xigeenkiiWasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha dastuurka ee Puntland Mudane Dr Maxamed Cali Faarax ayaa xilkii uu hayey mudada shanta sano ah iska casiley.

Dr Maxamed Cali Faarax oo qoraalkiisa ku baahiyey barta Facebook ayaa sheegay in sidoo kale uu iska casiley xubinimadii ururka siyaasadeedka Kaah iyo xilkii uu ka hayey.

Wasiir ku xigeenka ayaa ka mid ahaa saaxiibada ku dhaw Madaxweyne Deni shantii sanno ee la soo dhaafey sidoo kale waxa uu xubin muhim ah ka ahaa Xisbiga Kaah.

Wasiirku ma sheegin sabab rasmi ah, waxaasae la aaminsan yahay in ay xiriir la leedahay is maandhaafka siyaasadeed ee Puntland ka taagan.

Anigoo ah: Dr. Maxamed Cali Faarax, ahna Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Caddaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta; kana mid ah Asaasayaasha Xisbiga Kaah iyo Masuuliinta sar-sare; waxaan go’aansaday inaan iska casilo jagada Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Caddaaladda iyo sidoo kale xubinnimadii iyo masuuliyaddii Xisbiga Kaah aan u hayay.

Asad Cismaan oo u Hambalyeeyay SSC Kadib Markii Dowladda Federaalku Aqoonsatay

Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi oo kamid ah siyaasiyiinta u sharaxan xilka madaxtinimada Puntland 2024 ayaa u hambalyeeyey maamulka SSC-Khaatumo oo ay maanta aqoonsatay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Jananka ayaa door weyn ka qaatay halgankii SSC looga xoreeyey maamulka Somaliland, isagoo ku garab istaagay maal iyo moodba.

” Waxaan si diiran u soo dhoweynaynaa uguna hanbalyeynayaa aqoonsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ay siisay Maamulka Cusub ee SSC-Khaatumo state.

Waxaan u mahadcelinayaa Dowladda Federaalka oo kaalinteedii ka soo baxday.

Sidoo kale waxaan dhiirigelinayaa Maamulka SSC-Khaatumo inay noqdaan kuwo u hagar-baxa bulshadooda, kaalin weyn ka qaata dib u soo kabashada deegaankaas iyo midnimada Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u qoonsatey maamulka SSC-Khaatumo

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ua qoonsatey maamulka SSC-Khaatumo ee dhawaan looga dhawaaqey Laascaanood. Aqoonsiga ayaa yimid muddo 10 maalmood ah oo hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye ku sugnaa Muqdisho isaga oo casumaad ka helay dowaladda.

Warsaxaafadeedka ayaa loo dhigay sidan:

WARSAXAAFADEED
Muqdisho, 19 Oktoober 2023
Xukuumadda Federaalku ayadoo gudanaysa mas’uuliyadda iyo waajibaadka ka saaran wadajirka iyo isu-haynta dalka, waxay martiqaadday hoggaamiyaha maamulka ku meel gaarka ah ee SSC- Khaatumo iyo wafdi uu hogaaminayo. Si wada tashi looga yeesho xaaladda degaanka iyo guud ahaan dalka. Doodo iyo falanqayn dheer oo taabanayey xaaladaha siyaadadeed, amni, bani’aadamnimo ka dib, waxaa la isla qaatay:

  1. Xukuumadda Faderaalku waxay mar labaad taageeraysa go’aanadii issimada dhaqanku ay shirweynahoodii Laascaanood ka soo saareen 06/02/2023, Ayadoona soo dhaweynaysa isla markaana la shaqaynaysa maamulka ku meel gaarka ah ee dadka deegaanku ay dhisteen.
  2. Xukuumadda Federaalki waxay mar kasta ku baaqaysaa gacanna ay ka geysanaysaa dadaal kasta oo nabad iyo xasilooni ku soo dabaalaya deegaankaas. Ayadoo wixii khilaaf ah ee jirana lagu xallinayo wadahadal iyo wada-xaajood. Waxayna maamulka SSC Khaatumo ku bogaadineysaa sida ay diyaarka ugu yihiin xabbad joojinta iyo nabad ku wada noolaashaha.
  3. Dowladda federalka Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa Somaliland iyo maamulka SSC Khaatumo Xabad joojin iyo inay sii-daayan Maxaabiista ay kala hayaan, Waxayna xukumadda federalka diyaar u tahay inay fududeyso hawlaha arrintaas la xiriira.
  4. Xukuumadda Federaalku ayadoo ka duulaysa mas’uuliyadeeda waxay si degdeg ah uga hawlgalaysaa dib u soo noolaynta iyo tayaynta adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo guud ahaan arrimaha bani’aadamnimada.
  5. Xukuumadda Fedaraalku waxay ugu baaqeysaa hey’adaha dawladda, bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka in gargaar bani’aadnimo oo degedeg ah lala gaaro deeganadaas.

DHAMMAAD

RW Xamse: 30-kii sano ee Soomaaliya colaaddu ku jirtay Dunidu waxaa ay ku tallaabsatay horumarro!

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in soddonkii sano ee ay Soomaaliya ku jirtay colaadaha iyo dowlad burburka ay adduunyadu ku tallaabsatay horumarro iyo isbeddello dunida wax ku soo biiriyey, si uu dalkeennu u xaqiijiyo kuwa lamid ahna loo baahan yahay in loo shaqeeyo si ka duwan, kana dadaal badan sidii hore.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay shirka heerka farsamo ee Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Maareeyeyaasha Hey’adaha ee ku saabsan aqoon-is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya, ayaa tilmaamay in ay laf-dhabar u yihiin agaasimeyaasha guud dhaqan gelinta geeddigaas dowladnimada casriga ah ee uu dalku u jiheystay.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, ayaa hoosta ka xariiqay in  dalka ay ka dhici doonaan isbeddello waaweyn oo ay ugu horreeyaan ciribtirka Khawaarijta, deyn cafinta, dhammeystirka dastuurka iyo bixitaanka ATMIS.

Israa’iil oo duqeysay suxufiyiin ku sugnaa Xaduuda Lubnaan

Suxufiga weerarkan lagu dilay ayaa ahaa sawir-qaade ka tirsan Reuters. Sidoo kale 6 kamid ah suxufiyiinta oo uu dhaawacyo kala duwan soo gaaray ayaa la dhigay isbitaalka.

Duqeynta fiidnimadii Jimcaha ka dhacay Lubnaan ayaa la sheegay inay geysteen Taangiyada Israa’iil ee ku sugan xaduuda Lubnaan oo ay maanta ka dhacday duqeynmo ay is-dhaafsadeen Xisbullah iyo Israel.

Suxufiyiinta Aljazeera ayaa gaarigii ay saarnaayeen ku dhacay madfac Taangi, gaarigaasi oo gebi ahaan gubtay, weerarkan oo ahaa mid si bareer ah loogu bartilmaamsaday suxufiyiinta caalamiga ah, sida ay sheegeen suxufiyiinta weerarkan ka badbaaday.

Xaalada Xaduuda Lubnaan iyo Israa’iil ayaa kacsan xili kooxda Xisbullah ee fadhigeedu yahay dalka Lubnaan ay sheegtay inaysan gacmaha ka laaban doonin dagaalkan hadii Israel sii wado xasuuqa Gaza.

Khudbadii Madaxweynaha Puntland: “Guddiga doorashada ayaa laga sugayaa jadwalka doorashada”

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa jeediyey khudbad horey loo duubey oo socotey 24 daqiiqo. Madaxweynaha ayaa ka hadley taariikhda Puntland, doorashooyinkii laga qabtey 30 degmo, kadibna waxa uu sheegay halka laga aadayo.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in mar kale aanu isagu dooneyn muddo kororsi kudhisan sharci darro, sidaas darteed doorashada la qabanaayo ay noqon doonto mid qof iyo cod ah, lagu gelaayo 8 Xisbi taas oo la soo dooranaayo 66 Xildhibaan. Sidoo kale waxa uu sheegay in doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu ay noqon doonaan qof iyo cod lana qaban doono inta muddo xileedkiisa uu ku jiro.

Madaxwenaha ayaa sheeay in jadwalka doorashada laga sugaayo guddiga doorashooyinka ee PEC.

“….Guddiga doorashooyinka waan la kulmey shaqo wanaagsan ayey qabteen, waxaana laga sugayaa jadwalkii doorashada, waxkasta oo ay keenaan ayaan ku taageerayaa ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Dadka ka faalooda siyaasadda Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynuhu afkiisa ka dheereeyey muddo kororsi, laakiin shaqada la qabanaayo aysan sinaba macquul u ahayn in la qabto, sidaas darteed waxa uu mindida u dhiibey PEC>

Waxaa si weyn la isugu diidan yahay dhismaha gyddiga doorashada ee PEC oo u badan kuwo Xisbiga KAAH soo xuleen, sidoo kale waxaa la beddeley dastuurkii lagu geli lahaa doorashada iyada oo qodobo masiiri ah la bedalay sida in dalka baarlamaani laga beddelo, sidoo kale waxaa la abuurey Xisbiyo aan haysan aqlabiyadda shacabka iyada oo qaar kamid ah degmooyinka muhimka ah aysan doorasho ka dhicin oo xisbiyadu ku lahayn metalaad.

Mucaaradka ayaa isla caawa soo saarey war saxaafadeed waxaana ay sheegeen in aysan aqoonsaneyn PEC, sidoo kale aysan aqoonsaneyn wax ka beddelka sharci darada ah ee dastuurka, wxii dhbaato ah ee ka dacana masuuliyadeeda uu qaadi doono Madaxweyne Deni.

Dhulgariir labaad oo ku dhuftay dalka Afgaanistaan

Dhulgariir kale oo xooggan ayaa subaxnimadii Arbacada ku dhuftey qayb ka mid ah galbeedka Afgaanistaan ka dib markii dhulgariir hore uu dilay in ka badan 2,000 oo qof.

Dhulgariirkii ugu dambeeyay oo cabirkiisu ahaa 6.3 ayaa ka dhacay meel 28km u jirta magaalada Herat ee xarunta gobolka Herat.

Sabtidii lasoo dhaafay ayaa dhulgariir kale ku dhuftay gobalkaasi Herat, iyadoo weli dalkaasi la tacaalayo khasaarihii dhulgariirkaasi dhacay maalmo kahor oo ay ku dhinteen 2000 qof, halka ay ku dhaawacmeen kumanaan kale.

Illaa iyo hada macada khasaaraha dhulgariirka maanta, balse inta badan tuulooyinka ku yaal deegaankaasi ayaa horey ugu burburay dhulgariirkii sabtidii.

Putin oo Mareykanka ku eedeeyey dagaalka Falastiin

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Maraykanka ku eedeeyey dagaalka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Falastiniyiinta iyo Israa’iil, hadalkiisii ugu horreeyay ee fagaare ah tan iyo markii bilowday dagaalka Gaza.

“Waxaan u maleynayaa in dad badan ay igu raaci doonaan in tani ay tusaale cad u tahay fashilka siyaasadda Mareykanka ee Bariga Dhexe,” Putin ayaa hadalkan ku dhawaaqay xili uu shalay kulan la yeelanayey Raysalwasaaraha Ciraaq Mohammed Shia’ Al-Sudani.

Putin iyo dhiggiisa Ciraaq ayaa ku kulmay magaalada Moscow si ay uga wadahadlaan khilaafka hadda u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Hadalada Putin waxaa kamid ahaa: Maraykanku wuxuu isku dayey in kaligiis looga danbeeyo xalka Falastiin, laakiin nasiib darro muusan keeni “Xal” ay aqbali karaan labada dhinac, balse Maraykanku waxa uu taageero buuxda u hayaa hal dhinac, isagoo aan wax tixgelin ah siineyn danaha aasaasiga ah ee Shacabka Falastiiniyiinta

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo xalay shir jaraa’iid qabtay ayaa markale ku dhawaaqay taageerada uu u hayo Israa’iil, isagoo sheegay in Maraykanka uu gurmad deg deg ah oo militari la gaari doono Israa’iil si ay isaga difaacaan Xamaas, Biden ayaan gebi ahaan soo hadal qaadin duqeynta Israa’iil ku wado Gaza iyo khasaaraha soo gaaray shacabka reer Falastiin.

Deni oo Xaaji Bakiin u magacaabey Wasiirka Amniga

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa manata wareegto uu soo saarey ku magacaabey wasiirka Amniga dowladda Puntland, waxaana uu u magacaabey oday muddo dheer soo shaqeeyey Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin.

Wareegtada ayaa lagu yiri:

“Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Wuxuu xeeriyey: in Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bikiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDRTA Dowladda Puntland”.

Xilka wasiirka amniga Puntland ayaa banaanaa muddo aad u dheer kadib markii uu isaga tegey Wasiirkii hore Cabdisamad Gallan.

Muddo xileedkii Xukuumadda Madaxweyne Deni waxaa ka harsan muddo aad u yar.

Exit mobile version