News

Weriye Calinuur Salaad oo laga sii daayey xabsiga iyo dhinacyadii ka shaqeeyey

Muqdisho – Agaasimihii hore ee warfaafinta ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Weriye Cali Nuur Salaad ayaa maanta laga sii daayey xabsiga, kadib markii uu dhowaan soo xiray booliska Soomaaliya.

Calinuur Salaad ayaa ahaa Agaasimaha Telefishin lagu magacaabo Dawan, waxayna Caasimada Online ogaatay in maanta uu xoriyadiisa dib u helay.

Booliska ayaa markii lasoo xiray Calinuur waxay ku eedeeyeen “been-abuur, aflagaado iyo wax ay ku tilmaameen anshax-darro” in kastoo aysan soo bandhigin cadeymaha eedeymahaas.

Wariye Cali Nuur Salaad oo maalmihii lasoo dhaafay xirnaa ayaa lagu sii daayey dadaallo aan kala joogsi lahayn oo intooda ugu badan ay wadeen siyaasiyiin, xildhibaano iyo bahda saxaafadda.

Dhinacyadaan ayaa ku baaqayey in Weriye Calinuur lasii daayo booliska oo baahiyey soo qabashada Calinuur ayaa ka aamusay sii deyntiisa.

“Waxaa ku socota baarista Boliiska. Waxaana la horgey doonaa Maxkammada awooda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir markii lasoo xiray Calinuur.

Calinuur Salaad ayaa maalin ka hor markii la xiray bartiisa TikTok soo dhigay muuqaal uu ku yiri, “Goobaha ay joogaan ciidamada qaranka waxaa lagu iibiyaa Qaad ama Jaad, ciidankuna waxay ku bedeshaan lacagta mushaarka loo siiyo iyo mararka qaar hubkooda.”

Related Posts