Ciidamada Nabad-sugidda Soomaaliya oo maanta howlgal ka sameeyay magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay laba xubnood oo ka tirsan kooxd Al-Shabaab, sida lagu shaacitat warsaxaafadeed kasoo baxay hay’adda/
Laba xubnood oo sawirradooda lasoo bandhigay ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Kooshin Maxamuud Axmed iyo Keyse Faarax Xasan(Axmed yare)sida lagu sheegay warka kasoo baxay NISA.
Kooshin ayaa kooxda u qaabilsanaa isbitaalada iyo bukaanadooda la keeno magaalada Muqdisho, halka Kayse lagu eedeeyay inuu dhaqtar u shaqeynayay Al-Shabaab, uuna qaabilsanaa n daaweynta bukaanadooda jooga degmada Jilib sidoo kale waxaa NISA ay sheegtay inuu Adeer u yahay horjoogaha khawaarijta ee arrimaha Siyaasadda Xuseen Fiidow.
“Haya’adda NISA waxa ka go’an ciribtirka cadowga khawaarijta ah ee beegsanaya dadka Shacabka soomaaliyeed iyo cid walba oo kaalin ku leh la shaqayntooda” ayaa lagu yiri qoraalka.
NISA ayaa sidaan oo kale todobaadkii hore gacanta ugu soo dhigtay Cali Hilowle Ibraahim iyo Axmed Samatar Cali oo loo haysto inay saddex nin oo ganacsato ahaa dhowaan ay ku dileen degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir.
Horay ayaa sidaan oo kale ayaa gacanta loogu soo dhigay eedeysanayaal loo haysto inay dileen ganacsato xirtay Kaamirooyinka CCTV oo ay ku amartay dowladda Soomaaliya.